Hooyo iyo gabadheeda kamid noqdey dad uu ku habsadey gantaal

Image
Mas'uuliyiinta Ukraine ayaa shaaca ka dhigay in weerarkan uu ka dambeeyay Ruushka.

MOSCOW, Russia - Hooyo iyo gabadheeda oo 11 jir ah ayaa kamid ahaa saddex qof oo la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan 10 kalena ay ku dhaawacmeen weerar gantaal oo Ruushku ku qaaday caasimadda Ukraine ee Kyiv, sida ay sheegeen saraakiisha magaaladda.

Weerarkii dhacayKhamiista maanta ah, oo billowday abbaare 3-dii subaxnimo (00:00 GMT), ayaa sababay khasaarihii ugu badnaa ee hal weerar oo Ruushku ku qaaday Kyiv toddobaadyo gudahood.

Milateriga Ukraine ayaa sheegay in nidaamka difaaca cirka uu soo riday dhammaan 10-kii gantaal ee ballistic-ga iyo Iskander ee laga soo tuuray gobolka Bryansk ee Ruushka waana weerarkii 18-aad ee caasimadda tan iyo bilowgii bishii May.

Xubin ka tirsan baarlamaanka Ukraine Inna Sovsun oo qoraal soo dhigtey ciwaankeeda Twitter-ka ayaa ka xumaatay dhimashada carruurta "weerar kale oo gantaallo ah".

"Feejignaantii duulista hawada hadda waa maqan tahay, laakiin ma seexan karo. Anigoo gacanta ku haya wiilkayga, hubinaya inuu si fiican u seexdo," ayay tiri Sovsun.

Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay kooxaha gurmadka oo u gurmaday dad ku hoos jira burburka dhismayaasha, iyadoo qalab dhisme oo burburay ay daadsan yihiin waddada bannaankeeda.

Burburka gantaalada soo dhaca ayaa inta badan sababa waxyeelo inta lagu guda jiro weeraradan oo kale waxaana booliisku ay sheegeen in rug caafimaad, xanaano, dhismayaal la dego iyo baabuur la burburiyay. Maamulka ma aysan sheegin qaabka loo dilay saddexda ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM