Hooyo ku dhex-foolatay diyaarad shacab kasoo qaadey Kabul

Image
Image
Image

BERLIN, Germany - Haweenay u dhalatay Afghanistan ayaa gabar ku dhex-dhashay diyaarad ay leeyihiin ciidamada cirka Mareykanka oo Kabul kaga soo duushay duulimaad daad-gureyn ah, sidda uu ka dhawaajiyey taliska.

Hooyada ayaa foolatay iyadda oo duulimaadyo meel dhexe marayo. Tani waxay duuliyuhu ku kaliftey in uu hoos u dhigo jooge sare ee diyaaradu ku socotey "taasoo xasilisay hooyada badbaadisaneysa nolosheeda".

Kooxda caafimaadka saldhiga ciidamada cirka Mareykanka Ramstein ee dalka Jarmalka ayaa durba gargaar caafimaad deg-deg ah u fidiyey hooyada kadib markii ay si nabad ah u caga-dhigatay diyaaradii ay saarneyd.

"Isla markii ay diyaaradu caga-dhigatay, cutubyo ka tirsan ciidamada cirka ayaa ka caawiyey in ay kasoo degto waxaana ay u dhashay si nabad ah," ayaa lagu yiri qoraalka oo talisku ku daabacay bartiisa Twitter-ka.

Sida laga soo xigtay war-saxaafadeedka kooban oo soo baxay Axadii shalay oo dhacdada lasoo wariyey, hooyadda iyo gabadheeda yar ayaa xaaladoodu wanaagsan tahay waxayna ku jiraan xarun caafimaad.

Dadweyne badan ayaa baraha bulshadda kaga falceliyey dhacdadan. Mid kamid ah wuxuu yiri "dadkani [ciidamadda] waa halyeeyo". Mid kale wuxuu soo qoray "Cajiib. Waan jeclahay milatariga. Waan ku faanaa Ameerika".

Mareykanka iyo dalal kale ayaa bilaabay howlgalo daad-gureyn ah oo ay kusoo daabulayaa shacabka iyo dadka reer Afghanistan ee reer Galbeedka la shaqeynayey 20-kii sano ee lasoo dhaafay markii Taliban talada qabsatay.

Gaashaanle Sare William Taylor ayaa ka dhawaajiyey in Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka ay Sabtidii soo daabushay 17-kun ruux. Wuxuu intaas ku daray in 2,500 kamid ah dadkaas laga soo qaadey Kabul yihiin Ameerikaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM