Hoteel go’aansaday iibinta sariir uu ku seexday Cristiano Ronaldo

Image
Qiimaha sariirta lagu iibinayo ayaa noqon kara 5,000 oo Yuuro.

Ljubljana (GO) - Hoteel ku yaalla dalka Slovenia ayaa go’aansaday inuu iibiyo sariirtii uu ku seexday xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo sida ay daaha ka rogeen warbaahinta dalkaas.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii xulka qaranka Portugal ay gaareen caasimadda Ljubljana si ay isaga hor yimaadaan dhigooda Slovenia, ciyaartaas oo ay Portugal ku badiyeen labo gool oo nadiif ah.

Shabakadda Slovenia ee “24ur” ayaa sheegtay in “Taageerayaal aad u tiro badan ay doonayeen inay la xiriiraan ciyaaryahanka reer Portugal oo ay sawiro la galaan, laakiin xiddiga goor hore ayuu baxay, wax yar ka dib dhamaadkii ciyaarta, taasoo niyad jabisay dad badan."

Sidaas darteed, hoteelka, oo ay Ronaldo iyo saaxiibbadiis degeen, waxa ay go’aansadeen in uu hadiyad gaar ah siiyo taageerayaashiisa.

Xogtu waxay sheegtay in dhamaadka bishan sariirta lagu iibinayo lacag ka bilaabanaysa 5,000 oo Yuuro. waxaana la filaya Qiimaha iibka inuu kor u dhaafo tobanaan kun oo Yuuro.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Belgium: Hadii Ruushka Gantaallo kusoo tuuro Brussels, waxaan Khariiradda ka tiri doonaa Moscow 

Sidoo kale, waxaa suurtagal ah in hadalkan uu keeno su’aalo ku saabsan istaraatiijiyadda difaaca Belgiium.

  • Caalamka

    28-10-2025

  • 08:22AM

Putin: Cunaqabateynta Trump saarey Ruushka waxay sii xumaynaysaa xiriirka labada dal

Afhayeenka Kremlin-ka ayaa xusay in Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu qadarinayo rabitaanka uu Donald Trump.

  • Caalamka

    27-10-2025

  • 01:47PM