Hoteel go’aansaday iibinta sariir uu ku seexday Cristiano Ronaldo

Image
Qiimaha sariirta lagu iibinayo ayaa noqon kara 5,000 oo Yuuro.

Ljubljana (GO) - Hoteel ku yaalla dalka Slovenia ayaa go’aansaday inuu iibiyo sariirtii uu ku seexday xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo sida ay daaha ka rogeen warbaahinta dalkaas.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii xulka qaranka Portugal ay gaareen caasimadda Ljubljana si ay isaga hor yimaadaan dhigooda Slovenia, ciyaartaas oo ay Portugal ku badiyeen labo gool oo nadiif ah.

Shabakadda Slovenia ee “24ur” ayaa sheegtay in “Taageerayaal aad u tiro badan ay doonayeen inay la xiriiraan ciyaaryahanka reer Portugal oo ay sawiro la galaan, laakiin xiddiga goor hore ayuu baxay, wax yar ka dib dhamaadkii ciyaarta, taasoo niyad jabisay dad badan."

Sidaas darteed, hoteelka, oo ay Ronaldo iyo saaxiibbadiis degeen, waxa ay go’aansadeen in uu hadiyad gaar ah siiyo taageerayaashiisa.

Xogtu waxay sheegtay in dhamaadka bishan sariirta lagu iibinayo lacag ka bilaabanaysa 5,000 oo Yuuro. waxaana la filaya Qiimaha iibka inuu kor u dhaafo tobanaan kun oo Yuuro.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Militariga Mareykanka oo beeniyay sheegasho Iran ka soo baxday 

Iran ayaa marar badan ku andacootay weerarro ka dhan ah ciidamada Mareykanka ama xulafadiisa gobolka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 12:15PM

Trump: Mareykanka wuxuu bilaabaya galbinta maraakiibta marinka Hormuz

Marinka Hormuz ayaa ah marin aad muhiim ugu ah ganacsiga caalamka, gaar ahaan dhoofinta shidaalka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 09:30AM