Howlgalkii dayax-gacmeedka Imaaraadka oo mar labaad baaqdey

Image
Labadii maalmood ee lasoo dhaafay, laba jeer ayaa dib loo dhigay daahfurka mashruucan.

ABU DHABI, United Arab Emirates - Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta oo Khamiis ah dib u dhigtay duulimaadka dayax-gacmeedkeeda sahminta hawada sarre markii labaad.

Rashid Rover, oo ah howlgalkii ugu horreeyay ee dayax-gacmeed ee dunida Carabta, ayaa markii hore qorshuhu ahaa in uu bilowdo Arbacada, balse hal maalin ayaa dib loo dhigay illaa Khamiista ka hor inta aan mar kale dib loo dhigin.

iSpace, oo ah shirkad sahaminta dayaxa ee caalamiga ah, ayaa dib-u-dhacan la xiriirisay "si loo sameeyo baaritaanno dheeri ah oo ka hor inta aan hawada loo dirin dayax-gacmeedka".

"Kadib kormeero dheeri ah, waxaa la hakiyey howlgalka ipsace_inc's HAKUTO-R Mission 1; Taariikh cusub waxaa lasoo gudbinayaa marka la xaqiijiyo,” ayaa lagu yiri bogga Twitter-ka ee iSpace.

Xarunta Mohammed bin Rashid Space Centre oo mashruucan ka maamulaysa dhanka Imaaraadka ayaa sheegtay in jadwalka cusub ee la daabici doono maalmaha soo socda.

Haddii mashruuca Rashid Rover uu guuleysto, wuxuu noqon doonaa hawlgalkii ugu horreeyay ee laga maalgeliyo dunida Carabta, taasoo ka dhigaysa UAE waddankii afraad ee gaaray dayaxa.

Hawlgalka ayaa sidoo kale waxa uu noqon doonaa dayax gacmeedkii ugu horreeyay oo ay maalgelisay oo ay dhistay shirkad Japan ah oo gaar loo leeyahay isla markaana taga dayaxa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muwaadiniinta Shiinaha oo Lagu Dhibaateeyo Garoomada Diyaaradaha New Zealand

Ganacsiga u dhexeeya labada dal ayaa ah mid aad u ballaaran, iyadoo labada dal ay sanadkii hore wada ganacsadeen qiimo dhan 22.9 bilyan oo doollar.

  • Caalamka

    17-09-2025

  • 07:41AM

Rubio oo Qatar u tegay si uu uga shaqeeyo joojinta dagaalka Gaza

Rubio ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Qatar si uu uga wada hadlo suuragalnimada xal nabadeed.

  • Caalamka

    16-09-2025

  • 09:41AM