Hungary: RW Viktor Orbán oo ka digay dagaalka 3aad ee Adduunka

Image

BUDAPEST - Ra'iisul Wasaaraha Hungary, Viktor Orbán, ayaa ka digay dagaal cusub oo caalami ah oo si degdeg ku dhaca, haddii Ukraine ay ku biirto Gaashaanbuurta NATO.

Orbán waxa uu ku sheegay wareysi uu siiyay Idaacad in qorshaha ah in Ukraine lagu daro isbaheysiga ay aheyd in laga hortago oo lugu joojiyo shir madaxeedka NATO, kaasoo ka dhacay Talaadadii iyo Arbacadii lasoo dhaafay caasimada Lithuania, Vilnius.

Sida laga soo xigtay Orbán, reer galbeedku waxay doonayaan in dagaalka Ruushka iyo Ukraine uu muddo dheer sii socdo. "Sidaas darteed dowladda Hungary waa in ay u diyaargarowdaa xaqiiqda ah in dagaalka iyo cunaqabateynta ay si dhaqsi ah ku baabi'i doonin."

Ra'iisul wasaaraha Hungary ayaa dhaleeceeyay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, isga oo yiri: "Haddii aad dhibaato ku jirto oo aad rabto caawimaad, u dhaqan si munaasib ah. "

Sidaas si la mid ah, Xoghayaha Difaaca ee Britain Ben Wallace ayaa "mahad celin la'aan" ku dhaleeceeyay Madaxweynaha Ukraine ka dib shirkii NATO.

Ben Wallace ayaa sheegay, Arbacadii la soo dhaafay, in Boqortooyada Midowday (UK) aysan ahayn "Suuqa Amazon" oo Ukraine loogu iibinayo hub waliba ay u baahan tahay.

Hogaamiyayaasha ku shiray Caasimadda Lithuania ayaa ka gaabsaday inay Kiev ku martiqaadaan ku biiridda Gaashaanbuurta NATO, ama in la asteeyo waqti go'an oo ay Ukraine ku heli karto xubannimada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Militariga Mareykanka oo beeniyay sheegasho Iran ka soo baxday 

Iran ayaa marar badan ku andacootay weerarro ka dhan ah ciidamada Mareykanka ama xulafadiisa gobolka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 12:15PM

Trump: Mareykanka wuxuu bilaabaya galbinta maraakiibta marinka Hormuz

Marinka Hormuz ayaa ah marin aad muhiim ugu ah ganacsiga caalamka, gaar ahaan dhoofinta shidaalka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 09:30AM