ICC oo baaritaan ku bilaabaysa dagaalka Ruushka iyo Ukraine

Image
Koox horudhac ah ayaa loo diray dalka ay colaaduhu ka oogan yihiin si "caddeymaha loo uruuriyo".

WASHINGTON, USA - Koox horudhac ah oo ka socota Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ee Hague ayaa loo diray Ukrainesi ay u bilaabaan baaritaanka dambiyada dagaal ee suurtagalka ah, dacwad oogaha ugu sareeya ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters.

Bixitaanka kooxda ayaa timid saacado kadib markii dacwad oogaha Karim Khan uu ku dhawaaqay inuu bilaabayo aruurinta cadeymaha taasoo qeyb ka ah baaritaanka rasmiga ah ee dagaalka.

"Shalay waxaan sameeyay koox maantana waxay u wareegayaan gobolka," Khan ayaa u sheegay Reuters. Waxa uu intaa ku daray in Xafiiskiisu uu baari doono dambiyada dagaal, dambiyada ka dhanka ah bini’aadanimada iyo xasuuqa ay geystaan ​​dhammaan dhinacyada iska soo horjeeda.

Dhanka kale, wasiiradda arrimaha dibadda ee ururka ay ku midaysan yihiin Koonfur-bari Aasiya (ASEAN) ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo waxa ay ugu yeedheen colaadaha milateri ee ka socda dalka Ukraine, iyagoo sheegay inay rumaysan yihiin in weli uu bannaan yahay wadahadal nabadeed.

War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen oo aan lagu soo hadal qaadin Ruushka, dublamaasiyiinta sare ee ASEAN waxay sheegeen inay diyaar u yihiin inay fududeeyaan wada xaajoodyada Kyiv iyo Moscow, si kasta oo suurtagal ah.

War saxaafadeedkooda ayay intaa ku dareen inay aad uga xumaadeen culeyska sii kordhaya ee xaaladda. ASEAN waxaa xubin ka ah 10 waddan - Brunei, Cambodia, Indonesia, Laos, Malaysia, Myanmar, Philippines, Singapore, Thailand iyo Vietnam.

Geesta kale, Kremlin-ka ayaa ku ammaantay ciidamada Ruushka ee ka dagaalamaya Ukraine inay yihiin geesiyaal taariikhda u gali doona iyagoo barbar socda askartii kaga adkaaday Nazigii Jarmalka dagaalkii labaad ee adduunka.

Dmitry Peskov ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa'id oo uu sidoo kale meesha ka saaray wararka sheegaya in Moscow laga yaabo inay qorsheyneyso inay soo bandhigto sharciga dagaalka. Peskov ayaa sheegay in Putin uu qaban doono shirka golaha ammaanka galinka dambe ee maanta.

Arbacadii, Moscow waxay si rasmi ah u xaqiijisay in 498 askari oo Ruush ah lagu dilay Ukraine, 1,597 kalena lagu dhaawacay, iyadoo markii ugu horreysay shaacisay tirada dhimashadeeda. Balse Zelenskyy ayaa Khamiistii wuxuu tibaaxay in ilaa 9,000 oo askari oo Ruush ah la dilay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Yahuuda oo duqeyn cusub ku laysay tobanaan qof Falastiini ah

Xiisad ayaa ka taagneyd guud ahaan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaan.

  • Caalamka

    18-05-2024

  • 03:26AM

Ra'iisul Wasaaraha Slovakia oo lala beegsaday isku-day khaarijin ah

Robert Fico oo xukunka kusoo laabtey sanadkii hore ayaa u jaranjeera dhanka Ruushka.

  • Caalamka

    16-05-2024

  • 03:40AM