Iiraan: Israa’iil waxay Shacabka Qasa ku haysaa xasuuq wadareed

Image

TEHRAN - Iiraan ayaa ku eedaysay Israa'iil inay "xasuuq" ku hayso Falastiiniyiinta Marinka Qasa, iyadoo ciidamada Israa'iil ay sii wadaan duqeymaha xooggan oo ay ku hayaan marinkaas tan iyo 7-dii Oktoobar.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan, Hossein Amir Abdollahian, ayaa sheegay in weerarada baahsan ee joogtada ah ee Qasa lagu hayo ay muujinayaan in ay tahay olole xasuuq ka dhan ah shacabka Falastiin”.

Maalintii sagaal iyo tobnaad ee dagaalka, tirada dhimashada ee Marinka Qasa ayaa kor u kacday, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka, 6,546 qof ayaa ku dhintay dagaalka oo 2,704 ka mid ah ay yihiin carruur.

Weerarkii Xamaas ee Israa’iil ayaa isna sababay dhimashada 1,400 oo qof, sida ay sheegeen maamulka Israa’iil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM

Thailand Oo Duqeyn Ka Fulisay Xuduuda Ay La Wadaagto Cambodia

Wasiirka Warfaafinta Cambodia, Neth Pheaktra, ayaa sheegay in dadka ku nool dhowr tuulo oo xuduuda u dhow la daad gureeyay.

  • Caalamka

    08-12-2025

  • 08:03AM