Iiraan: Nin gowracay xaaskiisa 17-jir ah oo xukun lagu riday

Image
Sajjad Xeydari ayaa falkan argagagax leh waxa uu qiil uga dhigay waxa loogu yeero "dil sharafeed".

TEHRAN, Iiraan - Nin madaxa ka gooyay xaaskiisa oo 17 sano jir ahayd ayaa lagu xukumay 8 sano oo xarig ah gudaha dalka Iran, sidda ay sheegeen warbaahinta oo soo xigatay garsoorka.

Sawirada Sajjad Xeydari oo sita madaxa Mona ee Ahvaz ka dib waxa loogu yeero "dilka sharafta" sanadkii hore ayaa qabsadey internet-ka waxaana ka dhashay sababay caro baahsan.

Afhayeen u hadlay garsoorka ayaa sheegay in dabacsanaanta xukunka ay sabab u tahay waalidiinta Mona oo "cafis" u fidiyay dilka halkii ay ka doonan lahaayeen ciqaab adag.

Mona ayaa, sidda laga soo xigtey warbixinadda saxaafadda waddanka Iiraan, waxay guursatay ninkeeda iyadda oo 12-sano jir ah waxayna dhashay wiil iyadda oo 14 jir ah oo keliya.

Warbaahinta gudaha ayaa intaas ku dartey in Mona ay u carartay dalka Turkiga kadib markii la wariyey in ninkeeda uu u geystay dhibaato dhanka jirka ah kadib markii ay ka diiday codsigeeda ah in la furo.

Sanadkii 2020, waxaa jirtay caro la mid ah tan ka dib markii Romina Ashrafi oo 14 jir ah uu aabaheed qoorta ka jaray ka dib markii la sheegay inay guriga kala soo carartay saaxiibkeed.

Dawladda Iiraan ayaa intaa ka dib waxay ansixisay sharci qabyo ah oo dembi ka dhigaya noocyada kala duwan ee xadgudubyada ka dhanka ah haweenka hase ahaatee illaa haatan si fiican looma fulin.

GROWE ONLINE

Related Articles

Muwaadiniinta Shiinaha oo Lagu Dhibaateeyo Garoomada Diyaaradaha New Zealand

Ganacsiga u dhexeeya labada dal ayaa ah mid aad u ballaaran, iyadoo labada dal ay sanadkii hore wada ganacsadeen qiimo dhan 22.9 bilyan oo doollar.

  • Caalamka

    17-09-2025

  • 07:41AM

Rubio oo Qatar u tegay si uu uga shaqeeyo joojinta dagaalka Gaza

Rubio ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Qatar si uu uga wada hadlo suuragalnimada xal nabadeed.

  • Caalamka

    16-09-2025

  • 09:41AM