Iiraan oo $312.9 milyan magdhow ah ka dalbatay Mareykanka

Image
Xukunka maxkamada ayaa imaanaya iyadoo ay sii xoogeysatay xiisada u dhaxeysa Tehran iyo Washington.

TEHRAN, Iiraan - Maxkamad ku taal Tehran ayaa go'aamisay in Maraykanka uu 312.9 milyan oo doolar oo magdhow ah siiyo qoysaska dhibanayaasha weerarro ay geysatay Daacish/ISIS 2017-dii kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 17 qof.

Bayaan ay soo saartay waaxda garsoorka ee Iran u qaabilsan arrimaha caalamiga iyo xuquuqul insaanka ayaa lagu sheegay in go’aankan uu jawaab u yahay cabashooyin ay soo gudbiyeen qoysaska saddexda dhibanayaal.

Weeraradii mataanaha ahaa ee dhacay June 7, 2017, ayaa lala beegsaday dhismaha baarlamaanka Iran oo ku yaala bartamaha Tehran iyo hoyga hogaamiyihii hore ee sare Ayatollah Khumeyni ee koonfurta Tehran.

Kooxo gooni u goosad ah oo hubeysan ayaa rasaas iyo qaraxyo ku beegsaday labada dhisme ee caanka ah ee ku yaalla caasimadda Iran, waxaana ku dhintay ugu yaraan 17 qof halka 50 kalena ay ku dhaawacmeen.

Kooxda argagixisada ah ee Daacish/ISIS ayaa sheegatay mas’uuliyadda labada weerar oo ahaa mid ka mid ah kuwii ugu dhimashada badnaa ee Iran ka dhaca tan iyo kacaankii 1979-kii.

War-saxaafadeedka xeer-beegtadda Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iran ayaa lagu magacaabay sagaal sarkaal oo Mareykan ah iyo hay'ado ay tahay inay magdhowga siiyaan qoysaska dhibanayaasha.

Xukunka maxkamada ayaa imaanaya iyadoo ay sii xoogeysatay xiisada u dhaxeysa Tehran iyo Washington ee ku aadan is-mari-waaga heshiiska nukliyeerka iyo sidoo kale xiriirka sii kordhaya ee Iran ay la leedahay dowladaha Ruushka iyo Shiinaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM