Iiraan oo daldashay rag lagu eedeeyay weeraro lagu laayey dad badan

Image
Macbadka Shah Cheragh ee ku yaalla gobolka Fars ayaa la weeraray 26-kii Oktoobar ee sanadkii 2022-kii.

TEHRAN, Iiraan - Iran ayaa meel fagaare ah ku toogatay labo qof oo lagu eedeeyay weerar lagu hoobtay oo sanadkii hore lagu qaaday macbad ku yaalla koonfurta Shiraz, kaasoo ay sheegatay kooxda Daacish.

Labadan nin oo lagu kala magacaabi jiray Mohammed Ramez Rashidi iyo Naeem Hashem Qatali, ayaa la daldalay Sabtida maanta ah, ka dib markii maxkamadda sare ay xaqiijisay xukunkooda.

Macbadka Shah Cheragh ee ku yaalla gobolka Fars, oo ka mid ah macbadyada ugu muhiimsan Shiicada Islaamka ee Iiraan, ayaa la weeraray 26-kii Oktoobar, 2022.

Muuqaalo laga soo duubay kaamirooyinka amniga oo xiligaasi lasoo bandhigay ayaa muujinayay nin hubeysan oo kaligiisa oo gudaha masjidka la galay qori is-difaac ah.

Ka dib markii uu rasaas furay oo uu u soo dhaqaaqay xarunta weyn, waxa uu toogtay koox xujaaj ah iyo shaqaale. Balse waxay rasaastiisa galaaftey nolosha dad badan.

Mas'uuliyiin ayaa markii hore sheegay in 15 qof ay dhinteen, balse tiradaas ayaa laga dhigay 13 qof, iyadoo 40 qof ay ku dhaawacmeen, sidda laga soo xigtey warbaahinta maxaliga ah.

Dableyda dilka geysatay oo saraakiishu ay sheegeen in uu u dhashay dalka Tajikistan ayaa la dilay ka dib markii ciidamada ammaanka ay soo kala dhexgaleen.

ISIL ayaa sidoo kale mas'uul ka ahayd weerarradii la soo agaasimay ee sanadkii 2017 ee lagu qaaday baarlamaanka waddanka Iran iyo qabriga hoggaamiyihii hore ee Sare ee Ayatollah Ruhollah Khomeini ee Tehran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM