Iiraan oo dil ku xukuntay haween "xumaan ka waday aduunka"

Image
Zahra Sedighi iyo Elham Chobdar ayaa la sheegay in ay u ololeynayeen xuquuqda khaniisiinta.

TEHRAN, Iran - Iran ayaa xukun dil ah ku xukuntay labo haween ah oo lagu eedeeyay inay ka ganacsanayeen dadka, sidda laga soo xigtay warbixin ay daabacdey wakaaladda wararka ee Iran maanta oo Isniinta ah.

Haweenkan oo magacyadooda lagu kala sheegay Zahra Sedighi iyo Elham Chobdar ayaa si gaar ah waxaa loogu soo oogay dacwad ku saabsan in ay "dunida ku faafinayeen xumaan".

Sedighi iyo Chobdar ayaa, sidda ku xusan warbixinta, waxay si gaar ah u beegsan jireen gabdhaha dhalinyaradda "si ay u faafiyaan is-dabamarinta ay aduunka la maaganayeen".

Kooxaha xuquuqul insaanka ee fadhigoodu yahay wadamo ka baxsan Iiraan si gaar ah Galbeedka ayaa ku tilmaamay labada haween inay yihiin kuwa u dhaqdhaqaaqa xuquuqda khaniisiinta.

Wakaaladda wararka IRNA ayaanan bixin tafaasiil ku saabsan talaabooyinka ay qaadeen haweenkan ee loo xukumay balse waxay ku sheegtey "in ay si khaldan u isticmaalayeen haweenka iyo gabdhaha dhalinyarada ah".

Maxkamadda xukunka riday ayaa ku taala magaalada Urmia ee waqooyi-galbeed ee dalkaas, oo qiyaastii 600 kilomitir (370 mayl) waqooyi-galbeed kaga beegan Tehran oo ah magaala madaxda Jamhuuriyada Islaamiga ah.

Sida uu dhigayo sharciga Iran, dambiyada ay ka midka yihiin dilka, kufsiga, ka ganacsiga maandooriyaha iyo khaniisnimada waxay horseedi karaan ciqaab dil ah. Sedighi iyo Chobdar ayaa la sheegay in ay qaateen rafcaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM