Iiraan oo dil ku xukuntay haween "xumaan ka waday aduunka"

Image
Zahra Sedighi iyo Elham Chobdar ayaa la sheegay in ay u ololeynayeen xuquuqda khaniisiinta.

TEHRAN, Iran - Iran ayaa xukun dil ah ku xukuntay labo haween ah oo lagu eedeeyay inay ka ganacsanayeen dadka, sidda laga soo xigtay warbixin ay daabacdey wakaaladda wararka ee Iran maanta oo Isniinta ah.

Haweenkan oo magacyadooda lagu kala sheegay Zahra Sedighi iyo Elham Chobdar ayaa si gaar ah waxaa loogu soo oogay dacwad ku saabsan in ay "dunida ku faafinayeen xumaan".

Sedighi iyo Chobdar ayaa, sidda ku xusan warbixinta, waxay si gaar ah u beegsan jireen gabdhaha dhalinyaradda "si ay u faafiyaan is-dabamarinta ay aduunka la maaganayeen".

Kooxaha xuquuqul insaanka ee fadhigoodu yahay wadamo ka baxsan Iiraan si gaar ah Galbeedka ayaa ku tilmaamay labada haween inay yihiin kuwa u dhaqdhaqaaqa xuquuqda khaniisiinta.

Wakaaladda wararka IRNA ayaanan bixin tafaasiil ku saabsan talaabooyinka ay qaadeen haweenkan ee loo xukumay balse waxay ku sheegtey "in ay si khaldan u isticmaalayeen haweenka iyo gabdhaha dhalinyarada ah".

Maxkamadda xukunka riday ayaa ku taala magaalada Urmia ee waqooyi-galbeed ee dalkaas, oo qiyaastii 600 kilomitir (370 mayl) waqooyi-galbeed kaga beegan Tehran oo ah magaala madaxda Jamhuuriyada Islaamiga ah.

Sida uu dhigayo sharciga Iran, dambiyada ay ka midka yihiin dilka, kufsiga, ka ganacsiga maandooriyaha iyo khaniisnimada waxay horseedi karaan ciqaab dil ah. Sedighi iyo Chobdar ayaa la sheegay in ay qaateen rafcaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM