Iiraan oo kala dirtey booliska qaabilsanaa ilaalinta anshaxa

Image
Xeerilaaliyaha guud ee Iiraan, Maxamed Jacfar Muntadiri, ayaa si lama filaan ah u shaaciyey go'aankan.

TEHRAN, Iiraan - Xeerilaaliyaha guud ee Iiraan, Maxamed Jacfar Muntadiri, ayaa sheegay in dhinacyada ay khusayso ay isla qaateen in la kala diro booliska anshaxa ee dalkaas, sidda ay ku warantay wakaalada wararka ISNA.

Muntadiri oo ka hadlayay Qum oo ah Magaalo diimeed ayaa yiri: "Dhinacyadii markii hore aas-aasay booliskan ayaa haatan isla qaadatay in la kala diro gabi ahaanba guutadan".

Baarlamaanka iyo Golaha Sare ee Kacaanka ayuu hoosta ka xariiqay in ay kawada hadleen sidii laga yeeli lahaa qadiyadda la xiriirta xijaabka dhawaana ay shaacin doonaan go'aanada.

"Xal la diraaseeyay ayaa la doonayaa in loo helo arrinta ilaalinta Xijaabka oo ah mid dadka oo dhan waajib ka saaran yahay ilaalinteeda," ayuu yiri qeyb kamid ah hadalkiisa.

Dhawaan ayay ahayd markii dalkaas ku geeriyooday Mahsa Amini oo loo xiray iyada oo sida la sheegay la ilaalinayo dhaqanka bulshada wadankaas balse kacdoon arintaas ka dhashay ayaa waxaa ku dhintay dad badan, sida ay ku warameen ha'addaha xuquuqda aadanaha u ololeeya.

Iiraan ayaa dhacdadan kadib waxay la kulantey cambaarayn uga timid Qaramada Midoobay iyo hay'addaha kale ee u dooda xoriyadda hadalka kuwaasoo walwal ka muujiyey habka loola dhaqmay dibad baxayaasha .

Wixii ka danbeeyay1979 xiligaas oo ay taladda ku yimaadeen kacdoonka xoogaga isku magacaabay kacdoonka islaamiga ah, Iiraan waxay gacanta u gashay wadaado shiico ah kuwaasoo soo rogay go'aano lagu ilaalinayo diinta Islaamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM