Iiraan oo kala dirtey booliska qaabilsanaa ilaalinta anshaxa

Image
Xeerilaaliyaha guud ee Iiraan, Maxamed Jacfar Muntadiri, ayaa si lama filaan ah u shaaciyey go'aankan.

TEHRAN, Iiraan - Xeerilaaliyaha guud ee Iiraan, Maxamed Jacfar Muntadiri, ayaa sheegay in dhinacyada ay khusayso ay isla qaateen in la kala diro booliska anshaxa ee dalkaas, sidda ay ku warantay wakaalada wararka ISNA.

Muntadiri oo ka hadlayay Qum oo ah Magaalo diimeed ayaa yiri: "Dhinacyadii markii hore aas-aasay booliskan ayaa haatan isla qaadatay in la kala diro gabi ahaanba guutadan".

Baarlamaanka iyo Golaha Sare ee Kacaanka ayuu hoosta ka xariiqay in ay kawada hadleen sidii laga yeeli lahaa qadiyadda la xiriirta xijaabka dhawaana ay shaacin doonaan go'aanada.

"Xal la diraaseeyay ayaa la doonayaa in loo helo arrinta ilaalinta Xijaabka oo ah mid dadka oo dhan waajib ka saaran yahay ilaalinteeda," ayuu yiri qeyb kamid ah hadalkiisa.

Dhawaan ayay ahayd markii dalkaas ku geeriyooday Mahsa Amini oo loo xiray iyada oo sida la sheegay la ilaalinayo dhaqanka bulshada wadankaas balse kacdoon arintaas ka dhashay ayaa waxaa ku dhintay dad badan, sida ay ku warameen ha'addaha xuquuqda aadanaha u ololeeya.

Iiraan ayaa dhacdadan kadib waxay la kulantey cambaarayn uga timid Qaramada Midoobay iyo hay'addaha kale ee u dooda xoriyadda hadalka kuwaasoo walwal ka muujiyey habka loola dhaqmay dibad baxayaasha .

Wixii ka danbeeyay1979 xiligaas oo ay taladda ku yimaadeen kacdoonka xoogaga isku magacaabay kacdoonka islaamiga ah, Iiraan waxay gacanta u gashay wadaado shiico ah kuwaasoo soo rogay go'aano lagu ilaalinayo diinta Islaamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: "Israa'iil dambe ma weerari doonto xarumaha gaaska ee Iran."

Digniintii adkayd ee ka timid Riyadh oo sheegtay in "dulqaadkii Khaliijka ee weerarada Iran uu dhammaaday."

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 11:05AM

Senate-ka Mareykanka Oo Diiday Xeer Lagu Xaddiday Awoodda Trump ee Dagaalka Iran

Hoggaamiyaha Dimuqraaddiga ee Senate-ka Chuck Schumer ayaa ka hor codeynta sheegay in aysan caddayn ujeeddooyinka dagaalka.

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 10:52AM