Iiraan oo toogatay rag lagu helay dambi ah "la dirirka Ilaah"

Image
Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa waxay cambaareeyeen toogashadda saddexdan nin.

TEHRAN, Iiraan - Iiraan ayaa dil toogasho ah waxay ku fulisay saddex nin oo lagu eedeeyay rabshado dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhan ah saraakiisha ammaanka intii lagu jiray mudaaharaadyadii looga soo horjeeday dowladda ee sannadkii hore inkastoo ay diidmo ka keeneen kooxaha xuquuqda aadanaha.

Mizan, oo ah mareegta garsoorka Iiraan, ayaa Jimcihii ku dhawaaqday xukunka toogashada ah ee Majid Kazemi, Saleh Mirhashemi iyo Saeed Yaghoubi. War saxaafadeedka laguma sheegin tafaasiil ku saabsan sida loo fuliyay xukunka dilka ah.

Mas'uuliyiin ayaa tibaaxay in raggan ay dileen sarkaal booliis ah iyo labo xubnood oo ka tirsan kooxda Basij ee ka dagaalanta Isfahan, oo ah magaalada saddexaad ee ugu weyn Iran, bishii Nofembar 2022 intii lagu jiray mudaaharaadyo dalka oo dhan ka socday.

Dhammaan saddexda nin waxaa lagu helay dambi ah "Moharebeh", oo ah erey sharci Islaami ah oo macnihiisu yahay "la dirirka Ilaah", iyaga oo isticmaalaya hub, samaynta koox si ay u waxyeeleeyaan amniga qaranka, iyo la shaqeynta xoogaga MEK, oo ah koox saldhigeedu yahay yurub oo ay Tehran ay u aragto urur "argagixiso".

Maxkamadda sare ayaa sheegtay in aysan arag sabab la aamini karo oo ay ku aqbaleyso kiisaskooda rafcaanka maadaama ay ujeedadoodu ahayd "in la afgambiyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee barakeysan".

Horraantii toddobaadkan, iyadoo qoysaska saddexdan nin ay sheegeen inay tuhunsan yihiin in xukunkooda lagu fulin karo dhawaan, waxay bannaanbax ka dhigeen afaafka hore ee xabsiga dhexe ee Isfahan oo ay ku xiran yihiin. Waxay sidoo kale soo bandhigeen muuqaallo, waxayna ka codsadeen dadka inay taageeraan.

Muqaalo ayaa sidoo kale soo baxay barta internetka horaantii isbuucaan oo muujinaya gawaari badan oo ku soo qulqulaya agagaarka xabsiga, darawalada oo garaacaya hoonka oo ku dhawaaqaya erayo ay ku taageerayaan in la sii daayo raggan. "Ha u ogolaanina inay na dilaan," ayaa laga soo xigtey saddexda nin ee xiran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biden oo lagu cambaareeyay "inkirida" saxafiyiinta lagu dilay Gaza

Madaxweynaha Mareykanka oo martigeliyay xaflad ku saabsan xorriyada saxaafada ayaan soo hadal-qaadin qadiyaddan.

  • Caalamka

    28-04-2024

  • 04:23AM

Sacuudiga oo ka digay Shirkadaha Xajka ee bixiya dukumentiyo been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa degniintan soo saaray.

  • Caalamka

    27-04-2024

  • 07:47AM