Iiraan oo weerar aargoosi dhowr jiho ah ku qaadey Yahuuda

Image
Weerarkan ayaa Bariga Dhexe waxa uu geliyay mar-xalad looga cabsi qabo "Dagaalka Saddexaad Aduunka".

DOOXA, Qadar - Israa'iil ayaa sheegtay in in ka badan 300 oo diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo ay kaga yimaadeen jihooyinka dalalka Iran, Ciraaq iyo Yemen, iyadoo intaas ku dartay in badidood la qabtay.

Iran ayaa sheegtay in ay fulisay weerarkan iyada oo ka jawaabaysa weerar ay Israa'iil ku qaaday qunsuliyadda Iran ee Suuriya 1-dii Abriil waxayna sheegtay in arrinta hadda loo qaadan karo "mid la soo gabagabeeyey".

Japan waa waddankii ugu dambeeyay ee bayaan ka soo saara weerarka aargoosiga ah ee Iran. Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo dowlado kale ayaa horey u cambaareeyay falkan.

"Weerarkani waa mid sii xumeynaya xaaladda Bariga Dhexe ee hadda jirta," ayaa lagu yiri bayaanka wasiirka arrimaha dibadda Japan, kaas oo ku baaqay in xaaladda loo qaboojiyo sidda ugu dhaqsiyaha badan kahor inta aysan xumaanin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM