Imaaraadka Carabta oo ku dhawaaqay inay soo afjareen joogitaankooda militari ee Yemen
GAROWE, Soomaaliya (GO) — Imaaraadka Carabta ayaa Talaadadii ku dhawaaqay inay si rasmi ah u soo afjareen joogitaankoodii militari ee Yemen, xilli uu cirka isku sii shareerayo xiisad amni iyo mid siyaasadeed oo ka taagan koonfurta dalkaasi.
Wasaaradda Difaaca Imaaraadka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in go’aanka lagu joojinayo howlgalladii ka-hortagga argagixisada ee ka harsanaa Yemen uu yimid kaddib “horumarro amni oo dhowaan dhacay iyo saameynta ay ku yeelan karaan badbaadada iyo wax-ku-oolnimada hawlgallada.” Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in bixitaanka uu u dhacayo si iskaa ah, laguna hubinayo badbaadada ciidamada Imaaraadka, iyadoo lala kaashanayo dhinacyada ay khusayso.
Dhanka kale, guddoomiyaha Golaha Hoggaanka Madaxtooyada Yemen, Rashad al-Alimi, ayaa isla Talaadadii hore buriyay heshiis difaac oo wadajir ah oo u dhexeeyay Yemen iyo Imaaraadka, isaga oo sidoo kale siiyay ciidamada Imaaraadka muddo 24 saacadood ah oo ay kaga baxaan dalka.
Al-Alimi ayaa sidoo kale ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo socon doonta 90 maalmood, isagoo ku daray mamnuucid 72 saacadood ah oo dhanka cirka iyo dhulka ah, taas oo lagu soo rogay dhammaan dekedaha iyo marinada xuduudaha Yemen.
Tallaabooyinkan ayaa yimid wax yar kaddib markii isbahaysiga militari ee Sacuudigu hoggaaminayo ee Yemen uu fuliyay duqeyn uu ku tilmaamay “mid xaddidan,” taas oo lagu bartilmaameedsaday laba markab oo la sheegay inay xiriir la leeyihiin Imaaraadka, kuwaas oo ku sugnaa dekedda Mukalla.
Xiisadda sii kordheysa ayaa la xiriirta horumarro amni oo dhowaan ka dhacay bariga Yemen, kaddib markii Golaha Koonfurta Kumeelgaarka ah (STC), oo ay taageeraan Imaaraadka, ay bishan horraanteedii la wareegeen gobollada Hadramaut iyo Al-Mahra, kaddib iska horimaadyo ay la galeen ciidamada dowladda.
Horumarradan ayaa sii adkeeyay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Yemen, iyadoo weli aan la saadaalin karin jihada uu qaadi doono khilaafka ka aloosan koonfurta dalkaasi.
GAROWE ONLINE