Imaaraadka oo ka digay tallaabo adag haddii weerarrada Iran sii socdaan

Image

ABU DHABI — Wasiirka iskaashiga caalamiga ah ee Imaaraadka Carabta, Reem Al-Hashimi, ayaa sheegtay in dalkoodu qaadi karo tallaabooyin adag haddii Iran ay sii waddo weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu beegsanayo dhulka UAE.

Wareysi ay siisay CNN, ayay Al-Hashimi ku sheegtay in Imaaraadku diyaar u yahay inuu is difaaco, inkastoo ay rajeynayaan in xaaladdu halkaas gaari doonin.

“Waxaan diyaar u nahay inaan is difaacno. Waxaan rajeyneynaa inaanay arrintu halkaas gaadhin, balse ma fadhiyi doonno annagoo weli bartilmaameed u ah mowjadahan weerarrada ah,” ayay tiri.

Markii la weydiiyay suurtagalnimada tallaabo militari, ayay sheegtay in arrintaas ay weli furan tahay.

“Haddii ay sidaas noqoto, way noqon doontaa,” ayay tiri.

Waxay intaas ku dartay in hadda go’aanka uu gacanta ugu jiro Iran, iyadoo ugu baaqday inay si masuuliyad leh ula dhaqanto dal deris ah oo ay ku tilmaantay mid mar walba la shaqeyn jiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doorashada Israa’iil: Natiijo aan weli caddayn iyo loollan ku saabsan dhismaha dowladda

Benjamin Netanyahu oo hadda u muuqda in laga adkaaday wuxuu ra’iisul wasaaraha Israa’iil soo noqday muddo ku dhow 19 sano guud ahaan.

  • Caalamka

    28-10-2026

  • 05:02AM

Jay Clayton: Iran waxay diyaarisay qorshayaal ay ku beegsanayso ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe

Warbixintan ayaa imaanaysa iyadoo hore loo soo tebiyay tallaabooyin amni oo la xiriira joogitaanka Mareykanka ee gobolka.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:45AM