Imaaraadka oo ku baaqay in xabad-joojin laga sameeyo Gaza

Image
Imaaraatka oo saaxiib dhow la ah Mareykanka ayaa xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah iyo xiriir dhaqaale la leh Israel.

ABU DHABI, UAE - Yousef Al Otaiba, safiirka Abu Dhabi ee Washington, ayaa ka qaylo-dhaamiyey xaaladda bini'aadantinimo ee xun ee Gaza.

"Xabbad joojin degdeg ah iyo gargaar degdeg ah ayaa loo baahan yahay si loo daboolo masiibada bini'aadantinimo ee Gaza ee sii kordheysa," Al Otaiba ayaa ku yiri hadal uu warbaahinta bulshada la wadaagay safaaradda Imaaraadka Carabta ee Mareykanka.

“Dadka kala bar ayaa gaajo u dhimanaya. Nidaamkii caafimaadku wuu dumay. Biyo ammaan ah ayaa gabaabsi ah. Duulaanka soo socda ee Israel ayaa barakici doona malaayiin.”

Imaaraatka oo saaxiib dhow la ah Mareykanka ayaa xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah iyo xiriir dhaqaale la leh Israel.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM