Imaaraadka oo taageero u muujiyay Soomaaliya iyo ATMIS

Image
Weerarkaan ayaa si isku mid ah ay cambaareeyeen dowlada Faderaalka ah ee Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

MUQDISHO, Soomaaliya – Imaaraatka Carabta ayaa si kulul u cambaareeyay Weerarkii Argagixiso ee lagu beegsaday Saldhig Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ay ku leeyihiin Gobolka Shabeellaha Dhexe ee bartamaha Soomaalkiya.

Weerarkaas oo dhacay waabarigii hore ee talaadada ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa nabad ilaalinta ee ka socda Jamhuuriyadda Burundi.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa lagu caddeeyay in Imaaraadka Carabta uu si weyn u cambaareynayo falalkan dambiyada ah, iyo diidmada joogtada ah ee dhammaan noocyada rabshadaha iyo argagixisada.

Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in weeraradaan looga golleeyahay in lagu khalkhal geliyo ammaanka iyo xasilloonida, taasoo ka soo horjeeda qiyamka iyo mabaadi'da bani'aadamnimada.

Wasaaraddu waxay xaqiijisay inay si buuxda u garab taagan tahay Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, si loo gaaro amniga iyo xasilloonida dalka.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Burundi iyo qoysaska dhibanayaasha ah ee ka soo gaaray “fal-dambiyeedkaas foosha xun, iyadoo u rajeysay kuwii ku dhaawacmay in uu caafimaad degdeg ah siiyo”.

Weerarkaan oo si isku mid ah ay cambaareeyeen dowlada Faderaalka ah ee Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa ciidanka Burundi looga dilay ugu yaraan 30 askari sida uu sheegay sarkaal ka tirsan howlgalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan oo ku yiri Madaxweynaha Iran: Ku xadgudubka Hawada Turkiga ma lahan wax cudurdaar ah

Erdogan ayaa sidoo kale ku celiyay tacsida uu u diray geerida Khamenei, wuxuuna muujiyay rajada ah in doorashada Mojtaba Khamenei.

  • Caalamka

    10-03-2026

  • 07:31PM

Turkiga oo Gantaaladda Patriot ee Mareykanka Rakibtay si uu uga Gaashaanto Khatarta Iran

Wasaaradda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Turkigu uu sii wadayo iskaashiga uu la leeyahay xulafadiisa NATO.

  • Caalamka

    10-03-2026

  • 08:25AM