In ka badan 100 dowladood oo taageerey xabad-joojinta Gaza

Image
Qaraarkan ayaa waxaa is-hortaag diidmo qayaxan ah uu ku sameeyay Mareykanka.

NEW YORK, USA - Danjire Majed Bamya oo ah ku xigeenka kormeeraha joogtada ah ee Falastiin u jooga Qaramada Midoobay, ayaa bartiisa bulshada ku faafiyey qoraal in ka badan 100 dal oo taageeray qaraarkii xabad joojinta Gaza.

Qaraarkan oo uu Mareykanka is-hortaag diidmo qayaxan ah uu ku sameeyay ayaa waxaa la horgeeyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay Jimcihii.

Qaraarka lagu dalbanayo xabbad-joojin degdeg ah ayaa guul-darraystay markii Maraykanka oo keliya uu adeegsaday awooddiisa diidmada qayaxan si uu u burburiyo soo jeedintii nabadda loogu soo dabbaali lahaa dhulka Falastiin.

Boqortooyadda UK ayaa sidoo kale waxa ay tahay xubin joogta ah ka ah golaha ammaanka ayaa ka aamusay coddeynta taasoo usoo jiiday cambaareyn caalami ah waxaana lagu eedeeyay in ay taageereyso baabi'inta dadka shacabka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Guusha Ninka Muslim-ka ah ee noqday Duqa New York uga dhigan tahay Trump?

Tartanka ugu weyni wuxuu ahaa isaga iyo Andrew Cuomo, oo ahaa guddoomiyihii hore ee gobolka New York.

  • Caalamka

    05-11-2025

  • 08:01AM

Trump oo u amray Waaxda Difaaca inay “si degdeg ah” u bilowdo tijaabinta hubka nukliyeerka

Ololaha Caalamiga ah ee lagu baabi’inayo Hubka Nukliyeerka ayaa Ruushka ku tirinaya inuu haysto hubka nukliyeerka ugu badan.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 09:42AM