In ka badan 20 qof oo ku dhimatay duqeyn lala eegtay xero barakac

Image
Israa’iil ayaa weerar cirka ah ku qaaday dhismo ku yaalla xerada qaxootiga ee Jabalia ee waqooyiga Gaza.

DOOXA, Qadar - Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeriyootay 100 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii Israa’iil ay weerar cirka ah ku qaaday dhismo ku yaalla xerada qaxootiga ee Jabalia ee waqooyiga Gaza.

Weerarkan ayaa waxaa lala beegsaday guri ay daganaayeen qoyska reer Shehab, waxaana la sheegay in burbur xooggan uu soo gaaray guriyaha deriska la ah.

Muuqaalo ay heshay Al-Jazeera ayaa muujinaya imaanshaha dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay oo ay ku jiraan caruur oo lagu weeraray goob caafimaad oo ku taal Jabalia.

Qaar badan oo ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa waxaa la arkayaa iyagoo dhulka jiifa oo sugaya in la daweeyo.

Hay'adaha Caafimaadka Aduunka ee magaceeda loosoo gaabiyo WHO ayaa waxay sheegtay in 11 kamid ah 36 kamid ah cosbitaalada Gaza ay weli qayb ahaan shaqaynayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM