In ka badan 200 qof oo ku geeriyootay laba tareen isku dhacdey

Image
Tiradda dhimashada ayaa waxaa la filayaa inay kororto. Ma cadda tirada rakaabka saarnaa labada tareen.

NEW DELHI, India - Ugu yaraan 233 qof ayaa ku dhintay bariga Hindiya kadib markii laba tareen oo rakaab ah ay isku-dhaceen, sidda ay saraakiisha sheegeen. Shilkii ayaa Jimcihii ka dhacay degmada Balasore ee gobolka Odisha. Waa shilkii tareenka ee ugu dhimashada badnaa ee Hindiya in ka badan toban sano.

Dhacdadan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay dad lagu qiyaasay 900, sidda uu warbaahinta u sheegay Pradeep Jena, oo ah madaxa shaqaalaha rayidka ee gobolka.

"Tiradda dhimashada ayaa waxaa la filayaa inay kororto," Jena ayaa tiri. Ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ku saabsan wadarta guud ee rakaabka saarnaa tareenada.

In ka badan 200 oo ambalaas ah ayaa looga wacay halka uu shilku ka dhacay, waxaana 100 kale oo dhakhaatiir ah oo kor u dhaafay 80 ka mid ah ay diyaariyeen si ay dhaawacyada u qaadaan isbitaalka una daryeelaan kuwa weli ku sugan goobta.

Shilku waxa uu dhacay abbaaraha 7pm wakhtiga maxaliga ah (13:30 GMT) jimcihii markaasoo tareenka Howrah Superfast Express, oo ka yimid Bengaluru kuna socotay Howrah, West Bengal, ay isku dhaceen tareenka Coromandel Express, kaas oo ka yimid Kolkata kuna socda Chennai.

"Sababta shilkan ayaa la baarayaa," ayuu yiri Amitabh Sharma, oo ah afhayeen u hadlay Tareennada Hindiya. Faahfaahinta shilkan ayaan si rasmi ah loo ogeyn, sidoo kale ma cadda sida ay u dhacday shilkan.

Dhowr boqol oo shil ayaa sannad walba ka dhaca jidadka tareenada ee Hindiya, iyadoo intooda badan lagu eedeeyo khaladka bini'aadamka ama qalabka digniinta ee duugoobay. In ka badan 12 milyan oo qof ayaa raaca 14,000 tareen oo Hindiya oo dhan ah maalin kasta, iyagoo ku safraya 64,000km (40,000 mayl) oo waddo ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM