In ka badan 200 toogasho oo sanadkan ka dhacdey Mareykanka

Image
In ka badan 14,800 qof ayaa, sidda laga soo xigtey tirokoobka, waxay ku geeriyoodeen dhacdooyinkan.

WASHINGTON, United States - Maraykanka ayaa diiwaan-geliyay in ka badan 200 toogasho wadareed kaliya sanadka 2023-ka, sidda ay muujisay warbixin la daabacay Isniintii todobaadkan.

Wadar ahaan, waxaa dhacay 202 toogasho wadareed, marka loo eego xogta laga helay Kaydka Rabshadaha Qoriga, oo ah urur aan faa'iido doon ahayn oo madax-bannaan oo dabagala rabshadaha hubka Mareykanka.

Hay'adahan ayaa ka shan-qarisay in toogashada wadareed kasta lagu dilo afar ama in ka badan oo qof kuwaasoo u badan shacab, marka laga reebo qofka toogashada geystay.

In ka badan 14,800 qof ayaa, sidda laga soo xigtey tirokoobka, waxay ku geeriyoodeen dhacdooyinkan, oo ay ku jiraan toogasho wadareedyo iyo shilal kale, oo ay ku jiraan kuwa is-dil ah.

In ka badan 6,300 ruux ayaa la toogtey halka ku dhawaad ​​8,450 ay u dhinteen is-dil. In ka badan 11,700 oo qof ayaa lagu dhaawacay toogasho ka dhacday gudaha Mareykanka 2023-ka.

Ku dhawaad ​​620 caruur iyo dhalinyaro ah ama kuwa ka yar 18 sano ayaa sanadkan ku dhintay rabshado hubaysan, sida lagu sheegay kaydka. Ku dhawaad ​​1,500 waayeel ayaa ku dhaawacmay.

Bilowgii todobaadkan ayaa u dambeysay markii siddeed qof oo ay ku jiraan carruur la dilay, tiro kalena la dhaawacay markii lagu beegsaday suuq laga dukaameysto oo u dhow Dallas, Texas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: "Israa'iil dambe ma weerari doonto xarumaha gaaska ee Iran."

Digniintii adkayd ee ka timid Riyadh oo sheegtay in "dulqaadkii Khaliijka ee weerarada Iran uu dhammaaday."

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 11:05AM

Senate-ka Mareykanka Oo Diiday Xeer Lagu Xaddiday Awoodda Trump ee Dagaalka Iran

Hoggaamiyaha Dimuqraaddiga ee Senate-ka Chuck Schumer ayaa ka hor codeynta sheegay in aysan caddayn ujeeddooyinka dagaalka.

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 10:52AM