In ka badan 30 qof oo ku geeriyoodey doon ku degtey xeebaha Spain

Image
Doonida ayaa markii hore waxay siday 59 qof, sidda uu sheegay booliska gaaf-wareega ee xuduudaha.

MADRID, Spain - In ka badan 30 qof oo magangalyo doon ah ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen kadib markii doon ku sii jeeday jasiiradaha Canary ee Spain ay degtay, sida ay sheegeen laba hay’adood oo diiradda saaraya socdaalka.

Helena Maleno, oo ah madaxa hay'adda samafalka ee socdaalka xuduudaha ee Spain, ayaa barteeda Twitter-ka ku sheegtay Arbacadii in 39 qof ay qarqoomeen, iyada oo aan bixin faahfaahin dheeraad ah

Dhinaca kale, Alarm Phone, oo ka shaqeysa shabakad ka gudubta Yurub oo taageerta hawlaha samatabbixinta, ayaa dhankeeda waxay shaaca ka dhigtey in 35 qof la la'yahay.

Doonida ayaa markii hore waxay siday 59 qof, sidda uu sheegay booliska gaaf-wareega ee xuduudaha. "Waxaan dalbanaynaa gurmad degdeg ah, ha u daynina!," ayuu raaciyey bileyska.

Ilaalada xeebaha Spain iyo mas'uuliyiinta dowladda Morocco oo kiiskan uu khuseeyo ayaan midkoodna xaqiijin inta qof ee la socotay markabka iyo inta la la'yahay.

Bilaha xagaaga hore waa wakhtiga ugu badan ee magangalyo-doonka ay isku dayaan inay ka gudbaan badda Mediterranean-ka si ay u gaaraan qaaradda Yurub.

Jasiiradaha ku yaalla xeebaha galbeedka Afrika ayaa noqday halka ugu badan ee tahriibayaasha isku dayaan inay ku gaaraan dalka Spain, iyadoo qayb aad u yar ay isku dayayaan inay ka gudbaan badda Mediterranean-ka.

Ugu yaraan 5,914 qof ayaa gaartay jasiiradaha Canary intii u dhaxaysay Jan. 1 iyo June 15 ee sanadkan, sida laga soo xigtay tirooyinka dawladdda Spain. Dadkaas ayaa 31.5 boqolkiiba hoos u dhacay marka la barbar dhigo isla muddadaas 2022.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM