In ka badan 50 qof oo ku dhintay dhul-gariir ka dhacay Shiinaha

Image
Dhulgariirka ayaa ku dhuftay gobolka Dingri oo cabirkiisu dhan yahay 6.8 meel u dhow xuduudka Nepal.

BEIJING, China - Ugu yaraan 53 qof ayaa ku geeriyootay kadib markii dhulgariir xooggan uu subaxnimadii Talaadada ku dhuftay gobolka fog ee Tibet ee dalka Shiinaha.

"Konton iyo saddex qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen, 62 kalena ay dhaawacmeen ilaa duhurnimadii Talaadada, ka dib markii dhulgariir cabirkiisu yahay 6.8 uu ku dhuftay gobolka Dingri ee magaalada Xigaze ee gobolka Xizang (Tibet) ee ismaamulka Xizang (Tibet) saacadu markay ahayd 9:05 subaxnimo Talaadada," ayay tiri wakaalada wararka ee Xinhua News.

Muuqaalo uu baahiyay Telefishinka Qaranka Shiinaha ee CCTV ayaa muujinayay guryo burburay oo darbiyo kala go’ay iyo burburka daadsan burburka dhulgariirka kadib.

Dhulgariirka ayaa ku dhuftay gobolka Dingri oo cabirkiisu dhan yahay 6.8 meel u dhow xuduudka Nepal saacadu markay ahayd 9:05 subaxnimo (0105 GMT).

Sida laga soo xigtay Xarunta Shabakadda Dhulgariirrada Shiinaha (CENC) iyo Hay'adda Sahanka dhulka ee Maraykanka, dhul-gariirku wuxuu cabirkiisu xataa gaarey 7.1.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM