In ka badan 50 qof oo ku dhintay dhul-gariir ka dhacay Shiinaha

Image
Dhulgariirka ayaa ku dhuftay gobolka Dingri oo cabirkiisu dhan yahay 6.8 meel u dhow xuduudka Nepal.

BEIJING, China - Ugu yaraan 53 qof ayaa ku geeriyootay kadib markii dhulgariir xooggan uu subaxnimadii Talaadada ku dhuftay gobolka fog ee Tibet ee dalka Shiinaha.

"Konton iyo saddex qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen, 62 kalena ay dhaawacmeen ilaa duhurnimadii Talaadada, ka dib markii dhulgariir cabirkiisu yahay 6.8 uu ku dhuftay gobolka Dingri ee magaalada Xigaze ee gobolka Xizang (Tibet) ee ismaamulka Xizang (Tibet) saacadu markay ahayd 9:05 subaxnimo Talaadada," ayay tiri wakaalada wararka ee Xinhua News.

Muuqaalo uu baahiyay Telefishinka Qaranka Shiinaha ee CCTV ayaa muujinayay guryo burburay oo darbiyo kala go’ay iyo burburka daadsan burburka dhulgariirka kadib.

Dhulgariirka ayaa ku dhuftay gobolka Dingri oo cabirkiisu dhan yahay 6.8 meel u dhow xuduudka Nepal saacadu markay ahayd 9:05 subaxnimo (0105 GMT).

Sida laga soo xigtay Xarunta Shabakadda Dhulgariirrada Shiinaha (CENC) iyo Hay'adda Sahanka dhulka ee Maraykanka, dhul-gariirku wuxuu cabirkiisu xataa gaarey 7.1.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo hab cusub ku dhoofinaya shidaalka kadib cadaadiska Hormuz iyo Bab al-Mandab

Markab Sacuudigu leeyahay ayaa shidaalka kasoo qaada dekedaha Khaliijka, kadibna…

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 08:00AM

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM