India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Image

NEW DELHI — Ugu yaraan siddeed qof ayaa ku dhintay, tiro kalena way ku dhaawacmeen, qarax ka dhacay agagaarka Red Fort ee caasimadda Hindiya, New Delhi, sida ay sheegeen booliiska iyo warbaahinta gudaha.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa Isniintii baahisay muuqaallo muujinaya dab iyo qiiq ka kacaya gaadiid dhowr ah oo la sheegay in ay taagnaayeen waddo ciriiri ah oo ku dhow saldhig metro ah, meel u dhow magaalada hore ee Delhi.

Afhayeenka booliiska Delhi, Sanjay Tyagi, ayaa u sheegay wakaaladda Associated Press in ugu yaraan siddeed qof ay dhinteen, halka kuwo kale ay ku dhaawacmeen. “Waxaan baaraynaa sababta qaraxa,” ayuu yiri Tyagi.

Warbaahinta dowladda ee Doordarshan News ayaa sheegtay in qaraxu uu ka dhacay gaari u dhow xarunta taariikhiga ah ee Red Fort, taasoo keentay in gaadiid kale oo ku dhow ay dab qabsadaan.

Sida laga soo xigtay Waaxda Dab-damiska Delhi, kooxaha eeyaha baaritaanka, khubarada faransiiska, iyo booliiska ayaa goobta jooga, waxaana socda baaritaanno lagu ogaanayo nooca qaraxa.

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

Red Fort, oo loo yaqaan Lal Qila, waa qalcad taariikhi ah oo laga dhisay xilligii boqortooyadii Mughallada qarniyadii 17-aad, taas oo sanad kasta ay booqdaan kumannaan dalxiisayaal ah.

GAROWE ONLINE
 

Related Articles

Pakistan oo Iran Digniin Adag u Dirtay Xilli Xuutiyiintu Weerarro Ka Wadaan Sacuudiga

Heshiiska ayaa dhigayaa in weerar lagu qaado mid ka mid ah saddexda dal loo arki karo weerar lagu qaaday dhammaantood.

  • Caalamka

    10-09-2026

  • 08:02AM

Pakistan oo ku hanjabtay inay duqeynayso Xuutiyiinta haddii ay sii wadaan weerarrada Sacuudiga

Xiisadda ayaa sidoo kale sii kordhisay walaaca laga qabo in dagaalka Yemen uu mar kale isu beddelo dagaal ballaaran.

  • Caalamka

    09-09-2026

  • 03:59PM