India oo China kala wareegtay dalka ugu dadka badan dunida

Image
Xogtan ayaa laga heli kaaa website-ka hay'adda Sanduuqa Dadweynaha ee Qaramada Midoobay.

NEW YORK, United States of America - Xogtii ugu dambeysay ee tiro-koobka ay samyso Qaramada Midoobay ayaa muujisay in Hindiya ay noqotey dadweynaha ugu dadka badan guud ahaan caalamka.

Talaabadan ayaa ka dhigan in India ay dhaaftay Shiinaha tirada dadka. Sidda laga soo xigtey warbixinta, tiradda dadka Hindiya ayaa waxay waqti-xaadirkan mareysaa 1.4286 bilyan ruux.

Xogta laga heli karo website-ka hay'adda Sanduuqa Dadweynaha ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale waxay caddeyneysaa in dadka Shiinaha ay gaarayaan 1.4257 bilyan.

Macluumaadkan ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa timid dhowr maalmood ka dib markii Qaramada Midoobay ay saadaalisay in dadka Hindiya ay dhaafi doonaan Shiinaha sanadkan.

Saadaasha Qaramada Midoobay ayaa waxay daaha a rogtey in dadka Hindiya ay gaari doonaan 1.429 bilyan sanadkan, halka rajada Shiinaha ay ahayd 1.426 bilyan.

"Dadka Shiinaha ayaa toban sano ka hor waxay ahaayeen 1.385 bilyan, halka Hindiya ay ahayd 1.307 bilyan," ayaa la raaciyey nuqul kamid ah warbixintan oo saxaafada aduunka ay hadal-hayso.

10-kii sano ee la soo dhaafay, dadka Shiinaha ayaa sameeyay kor u kacay 2.96%, halka dadka Hindiya ay ku guuleystay  9.33%. Dadka Hindiya waxay kordheen 122 milyan tan iyo 2014, qiyaastii 1 milyan bishii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM