India oo lagu dhaleeceeyay ka "Aamusnaanta" weerarkii lagu dilay Ayatollah Ali Khamenei

Image

NEW DELHI – Dawladda Hindiya ayaa la kulantay dhaleeceyn ba'an oo kaga timid dhanka mucaaradka, ka dib markii ay ka gaabsatay inay cambaareyso weerarradii dhinaca cirka ee ay Mareykanka iyo Israa'iil ku qaadeen dalka Iran, kuwaas oo lagu dilay Hoggaamiyihii Sare ee dalkaas, Ayatollah Ali Khamenei.

Weerarkaas oo dhacay Sabtidii, ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen 786 qof, kuwaas oo ay ku jiraan carruur dugsiyada dhiganaysay.

Booqashada Modi ee Israa’iil

Xisbiga ugu weyn ee mucaaradka Hindiya, ee Indian National Congress, ayaa ku tilmaamay booqashadii Raiisul Wasaare Narendra Modi uu toddobaadkii hore ku tegay Israa'iil mid "aan xilligeedii ku habboonayn." Booqashadaas ayaa dhacday laba maalmood uun ka hor intaan weerarka xooggan lagu qaadin Iran, xilli ay kacsanayd xiisadda ka dhex aloosan Israa'iil, Iran, iyo Mareykanka.

Modi ayaa intii uu joogay Israa'iil la kulmay dhiggiisa Benjamin Netanyahu, isagoo sidoo kale khudbad ka jeediyay baarlamaanka dalkaas ee (Knesset).

Dhaleeceynta Rahul Gandhi

Hoggaamiyaha xisbiga Congress-ka, Rahul Gandhi, ayaa sheegay in aamusnaanta xukuumadda Modi ay wiiqayso mabaadi'da muddada dheer ee siyaasadda dibadda Hindiya.

"Aamusnaanta dawladdu waxay meel ka dhac ku tahay mabaadi'da Hindiya ee ku qotoma ixtiraamka madax-bannaanida dalalka iyo xallinta khilaafaadka si nabad ah," ayuu yiri Gandhi.

Waxa uu intaas ku daray in colaaddan sii kordhaysa ay khatar weyn gelinayso nolosha malaayiin qof oo u dhashay Hindiya, kuwaas oo ku nool kana shaqeysta gobolka Bariga Dhexe.

Saamaynta Gobolka

Hindiya ayaa taariikh ahaan isku dheelitiri jirtay xiriirka ay la leedahay Israa'iil iyo Iran, balse weerarkan u dambeeyay ee lagu dilay hoggaamiyihii ugu sarreeyay Iran ayaa xaaladda ka dhigay mid adag. Xisbiyada kale ee mucaaradka, sida Aam Aadmi Party (AAP) iyo Xisbiga Shuuciga ee Hindiya, ayaa sidoo kale ku biiray baaqyada looga dalbanayo dawladdu inay qaadato mowqif cad oo ku aaddan wax ay ku tilmaameen "gardarrada" Mareykanka iyo Israa'iil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamadeynta Netanyahu oo mar kale dib loo dhigay sababo amni awgood

Netanyahu ayaa horay u diiday dhammaan eedeymahaas, isagoo ku tilmaamay kuwo salka ku haya ujeeddooyin siyaasadeed.

  • Caalamka

    20-04-2026

  • 12:26PM

Iran oo Daldashay Rag lagu Helay inay u Shaqeynayeen Sirdoonka Israel

Sida ay sheegayaan ururrada xuquuqul laliska ee caalamiga ah, Iraan ayaa weli ah dalka labaad ee caalamka ugu dilka badan ka dib dalka Shiinaha.

  • Caalamka

    20-04-2026

  • 07:47AM