Indonesia: Is-hortaag lagu sameeyay gabar Soomaali ah

Image

INDONESIA - Shirkadda diyaaradaha ee Emirates Airways ayaa sharraxaad ka bixisay sababta haweenay uur leh oo u dhalatay Soomaaliya loogu diiday in ay gasho dalka Indonesia, dibna dalkeeda dib loogu soo celiyay markii loo diiday in ay ka degto garoonka Soekarno-Hatta ee dalkaasi.

Emirates waxay xaqiijisay in 9-kii Janaayo, qof rakaab ah uu ka duulay Dubai kuna socday Jakarta iyada oo saran duulimaadka EK356.

"Maamulka socdaalka Indonesia waa loo diiday in ay dalka gasho sababtoo ah ma ay buuxin shuruudihii gaarka ahaa ee ay waajibiyeen," ayay Emirates ku tiri hadal qoraal ah oo ay soo saartay maanta oo sabti ah.

Gabadha Soomaalida ah magaceeda lagu soo koobay MIA ayaa loo diiday in ay gasho gasho induniisa iyada oo maamulka hay’adda socdaalka dalkaasi sheegeen in aysan buuxin shuruudihii looga baahnaa socdaalka dalkaasi.

" Qofkan rakaabka ah weli ma uusan gelin Indonesia, waana loo diiday” ayuu yiri Romi Yudianto oo u hadlaay waaxd socdaalka dalkaasi.
Socdaalka madaarka Soekarno-Hatta, ayuu sheegay, in ay hubiyeen xogta socdaalka oo ay ula dhaqmeen muwaadiniinta ajnabiga ah si waafaqsan sharciga u yaalla waaxda socdaalka dalkaasi.

Gabadhaan oo la sheegay in ay leedahay uur sagaal bilood ah, ayaan cadayn loo hayn sababtoo ah ma aysan wadan dukumeenti sheegaya in ay uur leedahay. "Waxaa jira shuruuc khuseeya rakaabka diyaarada ee uurka leh” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Gabadhaan Soomaaliyeed ayaa tagtay garoonka Soekarno-Hatta Talaadadii 11-kii Janaayo 2022 iyadoo raacday diyaarad ay leedahay shirkadda Emirates Airways.

Waxaana laga xannibay in ay galo Indoniisiya dhibaatooyin la xiriira socdaalka. Khamiistii 13-kii Jannaayo ayaa mar kale lagu soo celiyay dalkeeda hooyo iyada oo soo raacday diyaarad ay leedahay Emirates Airways.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymaha Mareykanka iyo Israa’iil ee Iran oo sii socda; in ka badan 1,045 qof oo la dilay

Xiisadda sii kordheysa ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in colaadda ay ku faafto Bariga Dhexe oo dhan.

  • Caalamka

    05-03-2026

  • 06:38AM

Mareykanka oo Markab dagaal oo Iran leedahay ku gubey meel ku dhaw Sri Lank 

Ugu yaraan 87 qof ayaa lagu dilay markabka la dejiyay, iyadoo lasoo badbaadiyay 32 of oo la geeyay Isbitaalo ku yaala Sri Lanka.

  • Caalamka

    04-03-2026

  • 10:31PM