Indonesia: in ka badan boqol qof oo la la'yahay kadib markii dhulku la go'ay

Image

December 13, 2014 (GO)- Todoba qof ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen jaziiradda Java ee dalka Indonesia ugu yaraan boqol kalena waa la la'yahay kadib markii uu dhulku la go'ay.

Roobab mahiigaan ah oo da'ayey dhowr maalmood oo xiriir ah ayaa sababay in daadad xoogani deegaanada buuraleyda ah kasoo rogmadaan carraduna aad u jilicdo.

Khasaaraha ugu badani wuxuu ka dhacay gobolka hilly halkaasoo guryo dhowr ah iyo goobo ganacsi uu dhulku la go'ay.

Sutopo Purwo oo ah madaxa Hay'adda Maareynta Masiibooyinka Indonesia ayaa sheegay in boqollaal kooxaha badbaadada ah halkaas loo diray.

Purwo ayaa sidoo kale sheegay in dadaallada badbaadinta caqabad ku noqdeen roobka oo weli da'aya, jidadka oo xiran iyo isgaarsiinta oo meelaha qaar ka go'an.

Dalka Indonesia oo ka kooban in ka badan 17,000 oo jaziiradood waxaa sanad walba ka dhaca shilal noocan oo kale ah oo intooda badan kusoo aada xilliyada roobabka markaasoo oogada dhulku aad u jilicdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka iyo Iiraan oo ku kala tagay wadahadalladii Islamabad

Madaxweyne ku-xigeenka J.D. Vance ayaa sheegay in Maraykanku uu si daacad…

  • Caalamka

    12-04-2026

  • 02:47AM

NASA: Afar Cirbixiyeen Oo Si Nabad Ah Uga Soo Laabtay Safar Ay Ku Tageen Dayaxa

Howlgalka Artemis II wuxuu jebiyey rikoor hore oo masaafo ah, isagoo ka fogaadey…

  • Caalamka

    11-04-2026

  • 02:17AM