Ingiriiska: Ruushka wuxuu Ukraine madaxa ka saarey qori

Image
Ruushku ayaa abaabulay ilaa 100,000 oo askari kuwaasoo la sheegay in ay gaareen xadka Ukraine.

LONDON, UK - Ra'iisul wasaaraha waddanka Britain, Boris Johnson, ayaa ku eedeeyay Moscow in ay "qori madaxa saartay Ukraine" iyadoo laga cabsi qabo in Ruushku uu dhawaan weeraro waddanka deriskooda ah.

Ruushku ayaa lagu waramay in uu abaabulay ilaa 100,000 oo askari kuwaasoo la sheegay in ay gaareen xadka Ukraine, laakiin waxa uu dafiray "inuu qorsheynayo duulaan".

Taas beddelkeeda, waxay caddayn u soo qaadatay jawaabta reer galbeedka ee abaabulka ciidan inay caddayn u tahay "in Ruushku yahay bartilmaameedka gardarrada".

Isniintii, Washington ayaa heegan sare galisay 8,500 oo askari oo suurtagal ah in la geeyo Bariga Yurub, lagana yaabo in ogeysiis aad u yar la helo, sida laga soo xigtey warbixinada soo baxaya.

Sidoo kale, waddamada kale ee xubnaha ka ah NATO ayaa u dhaqaaqay si ay u xoojiyaan joogitaankooda ammaan ee gobolka. Moscow ayaa ka jawaabtay tallaabadaas, iyadoo sheegtay in Mareykanka uu sii kordhinayo xiisadda.

Hogaamiyayaasha Ukraine ayaa isku dayay inay shacabka u xaqiijiyaan in duulaanka uga imaanaya dalka ay dariska yihiin ee Ruushka uusan ahayn mid soo fool leh, xitaa maadaama ay qirteen in khatartu ay dhab tahay.

Isaga oo la hadlaya Baarlamaanka, wasiirka gaashaandhigga ayaa sheegay in "laga bilaabo maanta, ma jiraan sababo la aamini karo" in Ruushku uu isku diyaarinayo inuu si degdeg ah u soo galo dalkeena".

Oleksii Reznikov oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu xusay in ciidamadoodu aysan samayn wax uu ugu yeeray koox dagaal oo awood u leh inay soo maraan xadka". Balse, shacabka wali waa ku baqdin wajahaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM