Iran iyo Mareykanka oo isku Adeegsanaya Dhacdooyin Taariikhi Ah Xilli Heshiis La Sugayo

Image
Ciidamo Ciraaqiyiin ah oo ku sugan taangi qarsoon intii uu socdey dagaalkii Iran iyo Ciraaq sanadkii 1980. Sawirka: AP Photo.

Xiisadda u dhexeysa Iran iyo Mareykanka ayaa gashay marxalad siyaasadeed iyo warbaahineed oo cusub, xilli dunidu sugayso in lagu dhawaaqo heshiis suuragal ah oo soo afjari kara dagaalka iyo iska horimaadyada labada dal ee socdey 66-kii maalmood ee la soo dhaafay.

Madaxda Tehran iyo Washington ayaa bilaabay olole siyaasadeed iyo mid taariikhi ah oo ay ku muujinayaan in dhinac walba guul ka gaaray dagaalka. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in heshiis lala gaarayo Iran uu “si weyn u dhammaaday”, halka dowladda Iran ay sidoo kale muujisay rajo ku aaddan in heshiis dhawaan la gaari karo.

Dowladda Iran ayaa adeegsaneysa dhacdooyin taariikhi ah si ay shacabka ugu xoojiso fariin ku saabsan “iska caabinta quwadaha waaweyn”. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmaeil Baghaei, ayaa dib usoo hadal qaaday dagaalladii qarnigii saddexaad ee u dhexeeyey Boqortooyadii Roomaanka iyo Faaris, isagoo sheegay in ciidamada duullaanka ahaa ugu dambeyn lagu qasbay inay heshiis la galaan Faaris.

Baghaei ayaa sidoo kale baahiyey sawir muujinaya boqorkii Roomaanka Valerian oo gacanta ugu jira boqorkii Faaris Shapur I sanadkii 260-kii, taas oo dowladda Iran u adeegsaneyso dhiirrigelinta dareenka waddaniyadda iyo fariinta ah in Iran mar kale iska difaaceyso quwad shisheeye.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa sidoo kale kusoo beegmay xuska dib ula wareegistii magaalada Khorramshahr sanadkii 1982, xilli Iran ay dagaal adag kula jirtay Ciraaq. Magaaladaas ayaa loo arkaa astaan muhiim u ah adkeysiga iyo iska caabinta Iran.

Taliyaha guud ee Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC), Ahmad Vahidi, ayaa sheegay in “xorayntii Khorramshahr” ay tusaale u tahay dagaallada mustaqbalka ee Iran iyo xulafadeeda ay kula jiraan Mareykanka iyo Israel.

Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa dhankiisa sheegay in maanta “Khorramshahr-ta Iran” ay tahay Gacanka Faaris iyo marin biyoodka Hormuz, isagoo xusay in iska caabinta iyo difaaca dalku ay qayb ka yihiin dhaqanka Iran.

Mas’uuliyiin kale oo sare oo Iran ah ayaa Trump ku eedeeyey inuu si khaldan u qiyaasay awoodda Iran, sida uu horay Saddam Hussein ugu fashilmay dagaalkii Iran iyo Ciraaq.

Dhanka kale, Trump ayaa bartiisa Truth Social kusoo daabacay sawir calanka Mareykanka lagu dul saaray khariidadda Iran, isagoo ku qoray: “United States of the Middle East?” Arrintaas ayaa dhalisay jawaab degdeg ah, iyadoo safaarado badan oo Iran leedahay ay iyaguna baahiyeen sawir muujinaya calanka Iran oo dul saaran khariidadda Mareykanka.

Mareykanka ayaa ku adkeysanaya in Iran si buuxda u hakiso kobcinta uranium-ka iyo in la saaro walxaha nukliyeerka ee heerka sare gaaray. Washington waxay sidoo kale dalbaneysaa in si buuxda dib loogu furo marin biyoodka Hormuz oo Iran horey u xanibtay, maadaama halkaas ay maraan ku dhowaad shan meelood meel shidaalka caalamka.

Wararka ayaa sheegaya in Israel ay weli ka walaacsan tahay heshiis kasta oo dhex mara Tehran iyo Washington, iyadoo saraakiil Israeli ah lagu warramay inay doonayaan in dagaalka dib loo bilaabo haddii wada-hadalladu fashilmaan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Aqalka Cad oo la Geliyay Bandow iyo Ninkii Toogashada Geystay oo la Shaaciyay Aqoonsigiisa

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in qof rayid ah uu ku dhaawacmay is-rasaaseynta ka dhacday goobta u dhow madaxtooyada.

  • Caalamka

    24-05-2026

  • 08:43AM

Iran oo Mareykanka ugu Hanjabtay "Aargoosi Aad u Adag" Haddii Trump uu Dib u Billaabo Dagaalka

Hanjabaaddan kulul ee ka timid dhanka Tehran ayaa timid ka dib markii uu Ghalibaf magaalada Tehran kula kulmay Taliyaha Ciidanka Pakistan.

  • Caalamka

    23-05-2026

  • 12:57PM