Iran oo Duqeysay Safaaradda Mareykanka ee Riyadh

Image

RIYADH (GO)- Iran ayaa subaxnimadii hore ee Talaadada weerar drone ah ku qaaday Safaaradda Mareykanka ee ku taalla caasimadda Sacuudiga, Riyadh, iyadoo weerarradu ay qeyb ka ahaayeen duqeymo ballaaran oo ay Tehran ka waddo gobolka. Isla waqtigaas, Mareykanka iyo Israa’iil ayaa sii waday duqeymo cirka ah oo ay ku garaacayaan bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Iran. Madaxweyne Donald Trump ayaa tilmaamay in howlgalladu ay noqon karaan bilow olole adag oo socon kara in ka badan bil.

Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa sheegtay in laba drone ay ku dhaceen ama ku qarxeen agagaarka Safaaradda Mareykanka ee Riyadh, taasoo dhalisay dab kooban iyo burbur yar. Safaaraddu waxay muwaadiniinta Mareykanka uga digtay inay ka fogaadaan xarunta. Weerarkan ayaa xigay mid kale oo lagu beegsaday Safaaradda Mareykanka ee Kuwait, halka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanku ay amar ku bixisay in shaqaalaha aan degdegga ahayn iyo qoysaskooda laga daadgureeyo Bahrain, Ciraaq iyo Urdun si taxaddar ah.

Gudaha Tehran, caasimadda Iran, qaraxyo ayaa laga maqlayay habeenkii ilaa waaberigii, iyadoo dad goobjoogayaal ahi ay sheegeen inay maqleen diyaarado dul heehaabaya hawada. Lama caddeyn bartilmaameedyada si gaar ah loo garaacay. Dhanka kale, Lubnaan, Israa’iil ayaa markale weerarro ku qaaday kooxda Hezbollah, oo ay Iran taageerto, waxaana qaraxyo laga maqlay xaafado koonfureed oo ka tirsan Beyruut.

Ballaarinta weerarrada is-dhaafsiga ah ee ka socda Khaliijka, xoogeynta duqeymaha Mareykanka iyo Israa’iil, dilka hoggaamiyihii sare ee Iran Ali Khamenei, iyo maqnaanshaha qorshe cad oo xal looga gaaro xaaladda, waxay muujinayaan in khilaafku isu beddeli karo dagaal daba dheeraada oo leh saameyn ballaaran oo ka gudbi karta xuduudaha gobolka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Maxkamadeynta Netanyahu oo mar kale dib loo dhigay sababo amni awgood

Netanyahu ayaa horay u diiday dhammaan eedeymahaas, isagoo ku tilmaamay kuwo salka ku haya ujeeddooyin siyaasadeed.

  • Caalamka

    20-04-2026

  • 12:26PM

Iran oo Daldashay Rag lagu Helay inay u Shaqeynayeen Sirdoonka Israel

Sida ay sheegayaan ururrada xuquuqul laliska ee caalamiga ah, Iraan ayaa weli ah dalka labaad ee caalamka ugu dilka badan ka dib dalka Shiinaha.

  • Caalamka

    20-04-2026

  • 07:47AM