Iran oo Hal Sabab Awgeed u Taageertay Heshiiska Pakistan, Turkiga iyo Sacuudiga

Image

DUBAI — Iiraan ayaa sheegtay inaysan jirin sabab ay uga walaacdo in heshiiska cusub ee dhinaca amniga ee ay wada gaareen Pakistan, Turkiga iyo Sacuudi Carabiya uu yahay mid ka dhan ah Tehran.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan, Esmaeil Baghaei, ayaa sheegay Isniintii in heshiisku ka tarjumayo isbeddel ku yimid sida dalalka gobolka u wajahaan amniga, iyadoo ay sii kordhayso ku-tiirsanaanta awooddooda gudaha halkii ay ka tiirsanaan lahaayeen quwado shisheeye.

“Qorshe kasta oo ku saleysan xaqiiqooyinka juqraafi-siyaasadeed iyo taariikheed ee gobolka, oo loo dhan yahay, isla markaana si sax ah u aqoonsanaya cadowga iyo khatarta, wuxuu gacan ka geysan karaa xoojinta amniga iyo ka hortagga xasillooni-darrada,” ayuu yiri Baghaei.

Wuxuu intaas ku daray in heshiisyada noocan ah ay gacan ka geysan karaan ka hortagga waxa uu ku tilmaamay “khatarta iyo xadgudubyada” Israel iyo xulafadeeda.

Hadalkan ayaa yimid kaddib markii Pakistan, Turkiga iyo Sacuudi Carabiya ay ku dhawaaqeen heshiis cusub oo amni oo lagu xoojinayo iskaashiga saddexda dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles