Iran oo hub ku wareejisay ciidamada Suudaan & Maraykanka oo Walaac ka muujiyay

Image
Kumanaan qof ayaa ku dhintay dagaalka u dhexeeya ciidamada Sudan iyo RSF.

Khartoum (GO) - Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay wararka sheegaya in Iran ay u dirtay ciidamada Sudan shixnado hub ah, iyaga oo dagaal kula jiro ciidamada taageerada degdega ah (RSF).

Safiirka Maraykanka u fadhiya Suudaan John Godfrey ayaa sheegay in Washington ay aad uga walaacsan tahay taageerada dibadeed ee la siinayo ciidamada Suudaan iyo kuwa taageerada degdegga ah.

Waxa uu intaa ku daray, "Waxaa jira warar sheegaya inuu dib u soo laabtay xiriirka Suudaan iyo Iran oo ay ku soo kordheen hubka iyo agabka ay Iran ku taageereyso ciidamada Suudaan, taas oo ah arrin walaac nagu ah."

Godfrey wuxuu xusay in Maraykanku ku booriyay dhinacyada dibadda inay ka fogaadaan taageerada labada dhinac ee dagaalamaya.

Kumanaan qof ayaa ku dhintay dagaalka u dhexeeya ciidamada Sudan iyo xoogaga Taageerada degdega ah tan iyo markii uu qarxay bishii April ee sanadkii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo u amray Waaxda Difaaca inay “si degdeg ah” u bilowdo tijaabinta hubka nukliyeerka

Ololaha Caalamiga ah ee lagu baabi’inayo Hubka Nukliyeerka ayaa Ruushka ku tirinaya inuu haysto hubka nukliyeerka ugu badan.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 09:42AM

Trump iyo Madaxweynaha Shiinaha oo kulan muhiim ah ku yeeshay South Korea

War kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay si qoto dheer uga wada hadleen khilaafaadka canshuuraha ganacsiga.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 05:34AM