Iran oo ku hanjabtay weerar ka dhan ah Safaaradaha ay Israa’iil ku leedahay gobolka

Image
Iran ayaa wacad ku martay in ay ka jawaabi doonto weerarkii lagu qaaday qunsuliyadda Iran ee Dimishiq.

Tehran (GO) - Wakaaladda Wararka ee Tasnim ee ka soo xigatay sarkaal sare oo Iran ka tirsan ayaa sheegtay Axaddii in dhammaan safaaradaha Israa’iil aanay hadda ammaan ahayn.

Yahya Rahim Safavi, oo ah la taliyaha hogaamiyaha sare ee Iran Ali Khamenei, ayaa hadalkan jeediyay ka dib weerar ay Israa’iil ku qaadday qunsuliyada Iran ee Dimishiq 1-dii Abriil, kaas oo Tehran ay wacad ku martay inay ka jawaabi doonto.

Weerarkii lagu qaaday qunsuliyadda Iran ee Dimishiq ayaa ahaa kii ugu dhiirranaa ee weeraro xiriir ah oo lala beegsaday saraakiisha Iran ee Suuriya tan iyo bishii December, sidoo kale waa kii ugu ballaarnaa marka la eego tirada dhimashada ee uu geystay.

Iran ayaa wacad ku martay in ay si xoog leh uga jawaabi doonto, taas oo sare u qaadaysa cabsida laga qabo in dagaal balaaran uu ka dhaco gobolka, waxaanay taasi keentay in ciidamada Israa’iil ee ku maqnaa fasaxa laga joojiyay ayna ku soo laabteen Ciidanka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Trump: "Israa'iil dambe ma weerari doonto xarumaha gaaska ee Iran."

Digniintii adkayd ee ka timid Riyadh oo sheegtay in "dulqaadkii Khaliijka ee weerarada Iran uu dhammaaday."

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 11:05AM

Senate-ka Mareykanka Oo Diiday Xeer Lagu Xaddiday Awoodda Trump ee Dagaalka Iran

Hoggaamiyaha Dimuqraaddiga ee Senate-ka Chuck Schumer ayaa ka hor codeynta sheegay in aysan caddayn ujeeddooyinka dagaalka.

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 10:52AM