Iran oo qabatay markab ay ku eedeysay "fal sharci darro ah"

Image
Dhacdadan ayaa timid bil kadib markii Tehran ay badda Cumaan kula wareegtay markab laga leeyahay Vietnam.

TEHRAN, Iran - Kumaandooska ciidamada badda ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa gacanta ku dhigay markab ajnabi ah oo ku safrayay gacanka Persian si uu naaftada uga tahriibiyo.

Korneyl Ahmad Hajian oo ah taliyaha ciidamada badda gobolka Hormozgan ayaa laga soo xigtay website-ka warbaahinta dowlada sabtidii isagoo sheegaya in markabka lagu helay si sharci daro ah 150,000 litir (32,995 gallon) oo naafto ah.

Dhacdadan ayaa timid ka dib markii Iran ay horaantii bishan ku qabatay badda Cumaan markab laga leeyahay dalka Vietnam oo lagu magacaabo Sothys, ka dib markii ay isku dhaceen ciidamada badda ee Maraykanka oo ay sii haystaan.

IRGC waxay sheegtay in markabka uu Maraykanku u adeegsan jiray "xatooyo" saliida Iran oo dhoofinteeda lagu mamnuucay cunaqabatayn hal dhinac ah oo lagu soo rogay tan iyo 2018 markii madaxweynihii hore ee Donald Trump uu ka tanaasulay heshiiskii nukliyeerka ee Iran 2015 ee quwadaha adduunka.

Markabka ayaa la sii daayay maalmo kadib dhacdada. Maraykanku waxa uu ka horyimid sheegashadda Iran ee dhacdada, isaga oo sheegay in ay halkaas u tageen in ay "la socdaan" xaaladda.

Saxiixayaasha heshiiska nukliyeerka ayaa dib ugu laaban doona Vienna bisha November si ay dib ugu bilaabaan wadahadalada looga golleeyahay qaadista cunaqabateynta Mareykanka.

Sidoo kale, waxaa lagu waramay in ajandaha wadaxaajoodyadda ay qayb ka yihiin in Iran dib loogu soo celiyo si buuxda u hoggaansanaanta shuruudaha heshiiska kaasoo ay haatan kasoo horjeedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India oo lagu dhaleeceeyay ka "Aamusnaanta" weerarkii lagu dilay Ayatollah Ali Khamenei

Weerarkaas oo dhacay Sabtidii, ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen 786 qof, kuwaas oo ay ku jiraan carruur dugsiyada dhiganaysay.

  • Caalamka

    03-03-2026

  • 07:45PM

Iran oo Duqeysay Safaaradda Mareykanka ee Riyadh

Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa sheegtay in laba drone ay ku dhaceen ama ku qarxeen…

  • Caalamka

    03-03-2026

  • 06:43AM