Iran oo tijaabisay gantaal xilli la sugayo wadahadalka Nukliyeerka

Image
Warbaahinta dowladda Islaamiga ah ayaa si weyn u qaadaa-dhigtey talaabadan.

TEHRAN, Iiraan - Iiraan ayaa markii labaad tijaabisay dayax gacmeedkeeda Zuljanah sababo cilmi baaris ah, sida Axadii shalay ahayd ay shaaca ka dhigtey warbaahinta rasmiga ah ee dowladda.

Warbaahinta Iran ayaa Axaddii soo xigtay afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga in uu sheegay in dayax-gacmeedka qaadaha uu ku dhacay bartilmaameedka loogu talagalay.

Telefiishanka dawladda ayaa sii daayey muuqaallo muujinaya hawshan oo u muuqatay mid bilaa dhib ah, balse lama xaqiijin karo in lagu guulaystay iyo in kale.

Talaabadan ayaa timid ka dib toddobaadyo la isla dhexmarayay tijaabadan iyadda oo la faafiyey sawirro dayax-gacmeed sidaha oo yaala madaarka duulista hawada Imam Khumeyni ee gobolka Semnan.

Dhowr khabiir oo ku takhasusay hawada sare una dhashay Iran ayaa ku dhintay xaalado dahsoon toddobaadyadii la soo dhaafay. Ma cadda haddii uu jiro xiriir ka dhaxeeya geerida iyo tijaabadan.

Wasaaradda difaaca Iran, oo mas'uul ka ah soo saarista Zuljanah, ayaa sheegtay in mid iyaga ka mid ah, oo 33 jir ah, Mohammad Abdous, uu ahaa shaqaalaheeda wuxuuna ku dhintay "hawlgal" gudaha Semnan, iyada oo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin.

Tijaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli rajo laga qabo in mar kale ay Iiraan iyo reer galbeedka isu soo hor-fadhiistaan wadahadalo toos ah oo ay ka yeeshaan qadiyadda aadka u xasaasiga ah ee Nukliyeerka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Diyaariyay Qorshaha Duullaanka Dhulka ee Iran

Dhanka kale, kumanaan askari oo ka tirsan Marines-ka Mareykanka iyo ciidamada badda ayaa loo dirayaa gobolka.

  • Caalamka

    22-03-2026

  • 07:39AM

Trump: "Israa'iil dambe ma weerari doonto xarumaha gaaska ee Iran."

Digniintii adkayd ee ka timid Riyadh oo sheegtay in "dulqaadkii Khaliijka ee weerarada Iran uu dhammaaday."

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 11:05AM