Iran oo u hanjabtay Yahuuda kadib duqeyn looga dilay xubno muhiim ah

Image
Madaxweynaha Iran, Ebrahim Raisi, ayaa ballanqaaday in ay jawaab kulul siin doonaan Israa’iil.

TEHRAN, Iran - Madaxweynaha Iran, Ebrahim Raisi, ayaa ballanqaaday in ay jawaab kulul siin doonaan Israa’iil kadib markii ay duqeyn ku dishay shan xubnood oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee dalkaas.

"Jamhuuriyadda Islaamiga ah kama tagi doonto dambiyada maamulka Sahyuuniyadda iyadoo aan laga jawaabin," ayuu Raisi ku yiri hadal uu kasii daayay warbaahinta dowladda ee IRIB.

Dhawaaqa Raisi ayaa yimid ka dib markii afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda uu sheegay in Tehran ay xaq u leedahay inay ka jawaabto "argagixisada abaabulan ee nidaamka Sahyuuniyadda beenta ah waqtiga iyo goobta ku habboon".

Militariga Israa'iil kama aysan hadlin mas'uuliyadda ama si kale uga hadlin weerarka. Israa'iil ayaa lagu eedeeyay in duqeyn ay ka fulisay caasimada Suuriya ay ku dishay xubnahan.

Dhanka kale, Ugu yaraan 165 Falastiiniyiin ah oo ku sugan Qaza ayay ciidamada Israa’iil ku dileen 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Falastiiniyiinta.

Ciidamada Israa’iil ayaa xalay iyo subaxdii duqeymo ka geystay magaalada Khan Younis ee koonfurta dalkaasi, halkaasi oo ay ka fuliyeen howlgalka dhulka iyo cirka ah waxaana ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM