Iran oo weeraraysa saldhigyada Maraykanka Haddii Wadahadallada Nukliyeerka Fashilmaan

Image

Tehran – Wasiirka gaashaandhigga ee dalka Iiraan, Aziz Nasirzadeh, ayaa Arbacadii ka digay in haddii wadahadallada nukliyeerka ee u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka fashilmaan, dalkiisu uu si toos ah u beegsan doono saldhigyada milatari ee Maraykanka ku leeyahay gobolka.

Hanjabaaddan ayaa imaneysa iyadoo ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha u dhexeeya labada dal, xilli Iiraan ay diyaarinayso soo jeedin cusub oo ay la hortagayso wareegga lixaad ee wadahadallada nukliyeerka ee la filayo inuu dhaco maalmaha soo socda.

"Mas’uuliyiin ka tirsan dhinaca kale waxay ku hanjabeen dagaal haddii wadahadalladu guuldareystaan. Waxaan u caddeyneynaa in haddii dagaal la nagu soo rogo… dhammaan saldhigyada Maraykanka ee gobolka ay bartilmaameed noo yihiin, waxaana si geesinimo leh u weerari doonaa – xitaa haddii ay ku sugan yihiin dalal martigelinaya," ayuu yiri Nasirzadeh intii uu socday shir jaraa’id.

Hadalkaasi ayaa ah mid sare u qaaday walaaca laga qabo isku dhacyo toos ah oo ka dhaca gobolka haddii dadaallada diblomaasiyadeed ee socda ay guuldareystaan.

Maraykanka ayaa saldhigyo milatari ku leh dalal badan oo Bariga Dhexe ah, waxaana Iiraan horey u sheegtay in ay leedahay awoodo gantaal oo gaari kara meelahaas, taasoo khatar gelin karta ammaanka gobolka oo dhan.

Wadahadallada nukliyeerka ee labada dal ayaa xambaarsan rajo iyo cabsi isku jirta, iyadoo beesha caalamka ay indhaha ku hayaan natiijada wareegga cusub ee lagu wado inuu bilaabmo toddobaadkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weerarada Iran ee xarumaha CIA-da oo dhaliyay su’aalo ku saabsan doorka suurtagalka ah ee Ruushka

Qaar ka mid ah ilo-wareedyada ayaa sheegay in xarumo kale oo CIA ah sidoo kale la beegsaday, balse ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.

  • Caalamka

    23-07-2026

  • 10:47AM

Maraakiibta shidaalka Sacuudiga oo lagu weeraray Badda Cas

Kooxda Xuutiyiinta, oo sidoo kale loo yaqaan Ansar Allah, ayaa 20-kii Luulyo ku dhawaaqday xannibaad badeed ka dhan ah Sacuudiga.

  • Caalamka

    23-07-2026

  • 09:18AM