Ireland oo 70 Milyan ka badan ku bixinaysa Cilmi baarista

Image

Dublin-Dowlada wadanka Ireland ayaa ku dhawaaqday in 70 Milyan oo Euro ay ku biirinayso sanduukha kala dhaxeeyo Ingiriiska ee kor u qaadista xalalka waara.

Simon Harris Wasiirka Tacliinta Sare hal Abuurka iyo Cilmi Baarista ee Ireland ayaa sheegay in ay kharashkaasi ku bixin doonaan cilmi baarista la xiriirta Cunada iyo Isbedelka Cimilada.

Dalka Boqortooyada Ingiriiska iyo Ireland ayaa horey uga wada tirsanaa Midawga Yurub balse tan iyo intii uu ka baxay wali waxaa joogto ah xiriirka soo jireenka ah ee labadaasi wadan ka dhaxeeya.

Heshiisyo uu kamid yahay kan isku socodka xorta ah ayaa ka dhaxeeyo labada wadan iyada oo sidoo kale shaqaalaha iyo waxbarashadana ay wax badan wadaagaan.

Dunida ayaa la hardamaysa xakamaynta isbedelka Cimilada iyada oo dalalka horumaray ee wax soo saarka leh ay Warshahadahoodu kusii daayaan hawada sare, Qiiq faro badan kaasi oo dalalka ku dhibtooda ay kamid yihiin kuwa soo koraya.

 

GaroweOnline.

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM