Isbitaaladda ku yaalla Israa'iil oo amar degdeg ah lagu soo rogay

Image
Tani ayaa waxa ay kusoo hagaagaysaa iyadoo ay sii kordhayso xiisadda ka dhex jirta kooxda Xisbullah ee Lubnaan

DOOXA, Qadar - Wasaaradda caafimaadka ee Israa’iil ayaa ku amartay isbitaallada ku yaal waqooyiga dalkaasi inay u diyaar garoobaan suurtagalnimada in la qaabilo “kumannaan qof oo dhaawac ah”.

Tani ayaa waxa ay kusoo hagaagaysaa iyadoo ay sii kordhayso xiisadda ka dhex jirta kooxda Xisbullah ee Lubnaan, sida ay sheegtay warbaahinta guud ee Israa’iil ee KAN.

KAN ayaa warisay in wasaaraddu ay ka codsatay xarumaha caafimaadka ee waqooyiga in ay u diyaar garoobaan suurtagalnimada in la galo "jaziirada cidlada ah", taas oo looga tagayo sahay caafimaad, daawo iyo cunto maalmo.

Wasaaraddu waxay sidoo kale ka codsatay isbitaallada inay galaan xaalad degdeg ah saacado gudahood waxayna dalbatay inay ilaaliyaan boqolkiiba 50 dadka degganaanshaha.

Xiisado ayaa ka taagan xadka u dhaxeeya Lubnaan iyo Israa’iil iyadoo ay isweydaarsanayaan rasaas goos goos ah oo ay is-dhaafsanayaan ciidamada Israa’iil iyo Xisbullah.

Waa iska hor imaadkii ugu dhimashada badnaa tan iyo markii ay labada dhinac dagaal saf ballaaran ah uu ka dhex-qarxay sannadkii 2006-dii taasoo sababtay dhimashadda kumanaan ruux oo shacab iyo askar ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weerar lagu qaaday masaajid ku yaalla Pakistan oo dilay ugu yaraan 16 qof

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay afaafka masaajid ku dhex yaalla…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 11:52AM

Mareykanka oo ansixiyey qorshe $24.3 bilyan oo diyaaradaha F-35 ah looga iibinayo Sacuudi Carabiya

Qorshaha hubka ayaa soo baxay iyadoo Xuutiyiintu si weyn u kordhiyeen…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 02:09AM