Iska-hor-imaad dhanka afka ah oo dhexmaray Shiinaha iyo Hindiya

Image
Labadan dal ee deriska ah ayaa ku muransan gobol ku yaalla xuduuda ay wadaagaan.

ISTANBUL, Turkey - Shiinaha iyo Hindiya ayaa mar kale is-dhaafsadey weerar dhanka dhafka ah. Xiisadan waxay salka ku haysaa dhul dhaca gobolka waqooyi-bari ee Hindiya ee Arunachal Pradesh kaas oo Beijing u aqoonsan tahay ismaamulka Tibet.

Wasaaradda arrimaha madaniga ah ee Shiinaha ayaa ku dhawaaqday in ay habaysay magacyada 11 goobood oo ay ugu yeertay qaybta koonfureed ee Tibet ama ismaamulka Xizang, oo Beijing ay u taqaano Zanngnan.

"Waan diidnay arrintan si toos ah," ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Hindiya, Arindam Bagchi, isaga oo intaa ku daray in magacyada meelaha qaar ay qayb ka yihiin gobolka Arunachal Pradesh.

New Delhi ayaa marar badan diiday sheegashada Beijing ee ku saabsan gobolka. "Arunachal Pradesh waxay ahaan jireen had iyo jeer ahaan doona qayb ka mid ah Hindiya," ayuu yiri Bagchi.

Dhankiisa, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha, Mao Ning, ayaa yiri: " "Zangnan waa qayb ka mid ah dhulka Shiinaha. Iyadoo la raacayo shuruudaha ku habboon ee maamulka magacyada juqraafi ee Golaha Gobolka, mas'uuliyiinta awoodda u leh ee dawladda Shiinaha ayaa habeeyey magacyada qaybo ka mid ah Zanngnan. Tani waxay ku dhex jirtaa xuquuqda madax banaanida Shiinaha".

Murankan ayaa yimid ka dib markii Wasiirka Arimaha Dibada ee Hindiya Subrahmanyam Jaishankar uu sheegay bishii hore in xaalada u dhaxaysa Hindiya iyo Shiinaha ee gobolka Himalayan ee Ladakh ay tahay "mid jilicsan oo khatar ah."

Tan iyo bishii Maajo 2020, labada waddan waxay isku qabsadeen xiisad ku saabsan Khadka Xakamaynta Dhabta ah (LAC) - xadka dhabta ah ee u dhexeeya Shiinaha iyo Hindiya ee aagga Ladakh Ladakh ee gobolada lagu muransan yahay ee Jammu iyo Kashmir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel iyo Xuutiyiinta oo isweydaarsaday duqeymo cirka ah xilli xiisad ka jirto Badda Cas

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u amray weerarro waaweyn oo ka dhan ah Xuutiyiinta dalka Yemen.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 07:06AM

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Elon Musk kadib markii uu dhisay xisbiga cusub ee "American Party"

Muranka ka dhashay miisaaniyadda qarashka dowladda ayaa sababay kala fogaansho weyn oo u dhexeeya Trump iyo Musk.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 05:49AM