Isku-day garoon diyaarad looga dhici lahaa $32.5 milyan oo la fashiliyey

Image
Laba ruux oo ka kala tirsan ciidamada amniga iyo burcadda ayaa ku naf-waayay is-rasaaseyn ka dhacdey madaarka.

SANTIAGO, Chile - Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay ka gadaal markii is-rasaaseyn ay ka dhacdey garoonka diyaaradaha caasimadda dalka Chile ee Santiago, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin iyo goobjoogeyaal.

Sida laga soo xigtey warbaahinta maxaliga ah, isku-dhaca ayaa ka dambeeyay ka gadaal markii koox burcad ah ay isku-daydey in ay xoog ku qaadato $32.5m oo cadaan ah oo lagu rarayey diyaarad.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Chile, Manuel Monsalve, ayaa xaqiijiyey in laba ruux ee geeriyoodey ay kala ahaayeen askari ka tirsan ciidamadda ilaalada madaarka iyo mid kamid ah burcadda.

Monsalve oo wariyeyaasha kula hadlay agagaarka garoonka diyaaradaha ayaa falkan waxa uu ku tilmaamay "dhac aad loo soo agaasimay, aad u hubeysan, lagana yaabo in aad loo qorsheeyo".

"Tirada dableyda ayaa u dhaxeysay 10 illaa iyo 12 tuugo ah kuwaasoo weeraray shaqaalaha garoonka xilli ay lacagta cadaanka ah ku rarayeen diyaarad," ayuu hadalkiisa intaas kusii daray.

Isku-daygan dhaca ah ee la fashiliyay ayaa subaxnimadii Arbacada todobaadkan waxa uuka dhacay garoonka caalamiga ah ee Arturo Merino Benitez ee caasimadda Santiago.

Wasiir Monsalve ayaa u sheegay warfidiyeenka in tuugada ay xir-xireen askari ilaalo ahaa ayna gudaha u galeen garoonka iyagoo wata saddex baabuur oo aad u qafilan.

Wakaalada wararka ee AFP ayaa ku warantay in tuugaasi ay ka soo dhaceen albaab ka dibna ay u soo dhaqaaqeen halka uu shixnadda lacagta  ka soo galayay ka hor inta aan loo wareejin gudaha.

"Ka dib markii ay is hortaag ku sameeyeen saraakiisha ammaanka, raggii hubeysnaa way baxsadeen, iyagoo labo ka mid ah gaarigii ay wateen ku gubeen waddo weyn oo halkaasi ka agdhawaa. Waxaa socda baadigoob loogu jiro kooxihii dilka geystay," ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka.

Dambiyada la soo agaasimay ayaa sanadihii la soo dhaafay waxay kamid ahaayeen qodobadda ugu hadalheynta badan gudaha Chile, waxaana horay loo beegsaday gegida diyaaradaha.

Sannadkii 2017-kii, koox hubaysan ayaa xoog ku qaadatay lacag dhan $18m, saddex sano kaddibna isla fal noocaas la mid ah oo loo adeegsadey baabuur gaashaaman waxaa lagu qaatay aduun lacageed oo dhan $15m.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirkadda AstraZeneca oo qirtay in talaalka Covid-19 uu keeni karo “xanuun cafimaad”

Talaalkan ayaa si weyn loogu qeybiyay gudaha Soomaaliya sanadkii 2021.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 07:41AM

Banaanbaxyo lagu taageerayo qaddiyada Falastiin oo gilgilay Mareykanka

Ugu yaraan 20 mudaaharaadayaal ah oo taageersan Falastiin ayaa xabsi loogu taxaabay isu-soo-baxyadan aawadeed.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 05:25AM