Isqarxin lala eegtay wasaarada arrimaha dibada Afghanistan

Image
Sarkaal ka tirsan kooxda talada haysa ee Taliban ayaa sheegay in dhimashadu ay gaareyso 20 qof.

KABUL, Afghanistan - Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay afaafka hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Afghanistan ee magaalada Kabul ayaa sababay khasaara lixaad leh.

Taliska Booliska ayaa sheegay in ugu yaraan shan qof oo rayid ah la dilay balse sarkaal kale oo ka tirsan Taliban ayaa sheegay in dhimashadu ay gaareyso 20 qof.

Kooxda Daacish gaar ahaan garabkeeda Afghanistan ee loo yaqaan Isis-K ayaa dusha saartey mas'uuliyadda weerarkan oo ay caddeeyeen in dabley iyaga ka tirsan ay fuliyeen.

Falkan ayaa yimid ka gadaal kadib markii dhawaan qaraxyo lala beegsaday "dano shisheeye". Dalal dhowr ah oo ay ku jiraan Turkiga iyo Shiinaha ayaa safaarado ku leh aaggaas.

"Weerarku waxa uu dhacay abbaare 16:00 wakhtiga maxaliga ah (11:30 GMT) markaas oo qofka is qarxiyay uu isku dayay in uu galo dhismaha wasaaradda," ayay Taliban sheegtey.

Weeraro isdaba joog ah ayaa bilihii lasoo dhaafay lala beegsaday ajaaniib ama "dano shisheeye", xilli Taliban ay isku dayeyso inay maalgashi ka hesho wadamada deriska ah.

Afgaanistaan ​​waxaa gilgilay tobanaan qaraxyo tan iyo markii kooxda Taliban ay la wareegeen awoodda sanadkii hore 2022, inta badana waxaa sheegatay maleyshiyaadka Isis-K.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM

Trump oo warbaahinta u jeestay xilli ay isa soo tarayaan caqabadaha ka haysta siyaasada iyo sharciga

CNN waxay tallaabada ku tilmaantay weerar sharci-darro ah oo lagu qaaday xorriyadda…

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 03:13AM