Isqarxin lala eegtay wasaarada arrimaha dibada Afghanistan

Image
Sarkaal ka tirsan kooxda talada haysa ee Taliban ayaa sheegay in dhimashadu ay gaareyso 20 qof.

KABUL, Afghanistan - Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay afaafka hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Afghanistan ee magaalada Kabul ayaa sababay khasaara lixaad leh.

Taliska Booliska ayaa sheegay in ugu yaraan shan qof oo rayid ah la dilay balse sarkaal kale oo ka tirsan Taliban ayaa sheegay in dhimashadu ay gaareyso 20 qof.

Kooxda Daacish gaar ahaan garabkeeda Afghanistan ee loo yaqaan Isis-K ayaa dusha saartey mas'uuliyadda weerarkan oo ay caddeeyeen in dabley iyaga ka tirsan ay fuliyeen.

Falkan ayaa yimid ka gadaal kadib markii dhawaan qaraxyo lala beegsaday "dano shisheeye". Dalal dhowr ah oo ay ku jiraan Turkiga iyo Shiinaha ayaa safaarado ku leh aaggaas.

"Weerarku waxa uu dhacay abbaare 16:00 wakhtiga maxaliga ah (11:30 GMT) markaas oo qofka is qarxiyay uu isku dayay in uu galo dhismaha wasaaradda," ayay Taliban sheegtey.

Weeraro isdaba joog ah ayaa bilihii lasoo dhaafay lala beegsaday ajaaniib ama "dano shisheeye", xilli Taliban ay isku dayeyso inay maalgashi ka hesho wadamada deriska ah.

Afgaanistaan ​​waxaa gilgilay tobanaan qaraxyo tan iyo markii kooxda Taliban ay la wareegeen awoodda sanadkii hore 2022, inta badana waxaa sheegatay maleyshiyaadka Isis-K.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM