Israa’iil iyo Xamaas oo ku dhow in ay isla qaataan Xabbad joojin

Image

WASHINGTON (GO) - Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in horumar laga gaaray dadaallada lagu doonaayo in lagu dhawaaqo xabbad joojin bini'aadannimo ee dagaalka u dhexeeya Israa'iil iyo Xamaas.

Markii la weydiiyay in wax horumar ah laga sameeyay arrinta, Biden wuxuu ku jawaabay "haa", balse ma uusan bixin wax tafaasiil ah oo kale, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee France-Presse.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken ayaa Horaantii Sabtidii u sheegay warfidiyeenada in xabbad joojinta bini'aadantinimo ay gacan ka geysan doonto ilaalinta rayidka iyo in gargaar la gaarsiiyo marinka Qaza ee go'doonsan.

Blinken ayaa ku booriyay Israa'iil inay qaadato xabbad joojin bini'aadannimo, iyada oo ay wali socoto duqeymaha xooggan oo horseeday dhimashada kumanaan Falastiiniyiin ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo hab cusub ku dhoofinaya shidaalka kadib cadaadiska Hormuz iyo Bab al-Mandab

Markab Sacuudigu leeyahay ayaa shidaalka kasoo qaada dekedaha Khaliijka, kadibna…

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 08:00AM

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM