Israa’iil iyo XMS oo maalintii ugu dambeysay xabbad-joojinta maxaabiis is dhaafsanaya

Image
Israa’iil ayaa heshay liiska maxaabiista maanta laga soo dayn doono Qasa.

QASA (GO) - Israa’iil ayaa heshay liiska maxaabiista maanta laga soo dayn doono Qasa sida uu sheegya xafiiska RW Israa’iil Benjamin Netanyahu.

Xamaas ayaa maalintii shanaad ee xabbad joojinta ku meel gaarka ah soo dadysay 10 maxbuus, oo ka kooban ilmo yar & 9 dumar ah.

Dhanka kale, Israa’iil ayaa xabsiga ka sii daysay 30 maxaabiis falastiiniyiin ah oo u kala qeybsan 15 Dumar ah iyo 15 Carruur ah.

Labada dhinac ayaa go’aan ku gaaray in la kordhiyo xabad joojinta si loo sii daayo maxaabiis kale.

Israa'iil waxay sheegtay in xabbad joojintu ay socon doonto muddo aan la cayimin inta Xamaas ay sii daynayso ugu yaraan 10 qof maalin kasta.

Tirada guud ee maxaabiista ee Xamaas sii daysay tan iyo bilowgii xabbad joojinta ayaa ah 81, oo ay ku jiraan 60 haween iyo carruur Israa’iiliyiin ah iyo 21 ajaanib ah, halka Israa’iil ay ilaa maanta sii daysay 150 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM