Israa’iil oo amartay in la banneeyo dhamaan Isbitaallada Qasa

Image

QASA (GO) - Ciidamada Israa’iil Maanta faray dadka ku dhaqan Qasa in ay faarujiyaan dhammaan isbitaallada ku yaalla Marinka si ay ula tacaamulaan XMS, iyaga oo xusay in dhowr kun oo qof ay weli ku sugan yihiin barxadda xarunta caafimaadka ee Shifa.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ugu yaraan 150,000 oo qof ay ka qaxeen waqooyiga Qasa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay.

Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo ciidamada Israa’iil ay sii adkeeyeen go’doominta ay ku hayaan xarunta caafimaadka ee Al-Shifa, oo ay ku socdaan duqeymo xooggan, iyadoo ay gebi ahaanba laga jaray korontada.

Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah, taangiyada Israa’iil ayaa madaafiic la beegsaday koox caafimaad oo u socotay inay baaraan dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay oo ku sugnaa barxadda xarunta Al-Shifa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:53AM

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM