Israa’iil oo argagaxisnimo ku eedaysay wadan Muslim ah

Image
SAWIR HORE

JERUSALEM, Palestine - Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu iyo wasiirka gaashaandhigga Yoav Galant ayaa ku eedeeyay Iran iyo taageerayaasheeda weerarrada lagu bar-tilmaameedsaday dadka deggan Daanta Galbeed.

Halka magaalooyinka Gaza iyo Nablus ay goob joog ka ahaayeen iska-horimaadyo sababay dhaawaca tobanaan Falastiiniyiin ah. kuwaas oo qaarkood lagu tilmaamay kuwo halis ah.

Arrintan ayaa timid kadib markii gabar Israa'iiliyad ah lagu dilay mid kalena lagu dhaawacay agagaarka deegaanka Kiryat Arba Isniintii, halka labo kalena lagu dilay weerar toogasho ah oo Sabtidii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Hawaar ee u dhow Nablus ee waqooyiga Daanta Galbeed.

Netanyahu ayaa intaasi ku daray in dowladiisa, ciidanka iyo hay’adaha amaanka ay habeen iyo maalinba ku dadaalayaan sidii gacanta lagu soo dhigi lahaa “kuwa wax dilay, kuwa soo diray iyo kuwa maalgeliyay, si loola xisaabtamo” waa sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka gaashaandhigga Israa'iil Galant ayaa isla goobta ka sheegay in ay wadaan dadaallo heerkii ugu sarreeyay si loo soo afjaro wax uu ku tilmaamay isbeddelka saameynta leh ee la xiriira maalgelinta Iran iyo hubka faraha badan ee ku faafay gobolka.

Isaga oo sheegay in Iran ay dhinac walba ka eegayso sidii ay u dhibaatayn lahayd muwaadiniinta Israa’iil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM