Israa’iil oo caddeysay cidda maamuli doonto Qasa marka ay la wareegaan

Image

QASA (GO) - Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Eli Cohen, oo waraysigiisii ​​ugu horreeyay siiyay warbaahinta dibadda tan iyo markii uu dagaalka billowday, ayaa sheegay in Israa’iil aysan doonayn in ay maamul iyadu leedahay ku soo rogto Qasa.

Waxa uu intaa ku daray:

"Mar haddii Xamaas la riday, Israa’iil waxay raadineysaa in ay ku wareejiso mas'uuliyadda maamulka gobolka isbahaysi caalami ah, oo ay ku jiraan Maraykanka, Midowga Yurub, iyo qaar ka mid ah wadamada muslimiinta.”

"Ma dooneyno inaan maamulno Qasa, mana rabno inaan maareyno noloshooda, kaliya waxaan rabnaa inaan difaacno dadkeena." ayuu yiri.

Cohen waxa uu sheegay in Israa’iil ay diidi doonto joojinta dagaal kasta ilaa Xamaas ay ka sii dayso 240 maxbuus oo u xiran.

Wuxuu intaas ku daray: "Annaga, waxaa noo jirta hal waddo oo aan ku heshiin karno xabbad-joojin bini'aadantinimo, taasoo ah in la sii daayo Maxaabiista."

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Dadkii Qasa ka baxay ama kuwii ku barakacay intii uu dagaalku socday waa la ogolaan doonaa inay soo laabtaan marka uu dagaalku dhammaado."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin: Cunaqabateynta Trump saarey Ruushka waxay sii xumaynaysaa xiriirka labada dal

Afhayeenka Kremlin-ka ayaa xusay in Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu qadarinayo rabitaanka uu Donald Trump.

  • Caalamka

    27-10-2025

  • 01:47PM

Trump oo markii uu ka degay Malaysia la kulmay banaanbax isaga looga soo horjeedo

Madaxweynaha Mareykanka ayaa si weyn u doonaya inuu sheegto door muhiim ah oo uu ku lahaa heshiiskaas.

  • Caalamka

    26-10-2025

  • 05:00AM