Israa’iil oo caddeysay waxa ay la damacsantahay Qasa marka ay la wareegto

Image

QUDUS - Afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil ayaa Talaadadii sheegay in illaa heer caalami ah looga doodi doono xaaladda Qasa ka dib weerarka dhulka ay qorsheynayaan Israa'iiliyiitu inay ka fuliyaan.

Wuxuu uu sheegay, "Qasa waxay xuduud la leedahay waddamo kale. Go’aanka laga gaarayo waa inuu ka yimaadaa hogaanka siyaasadeed iyo ciidamadaba."

Israa’iil ayaa isku diyaarinaysa in ay weerar dhulka ah ku qaado Marinka Qasa, ka dib weerarro maalmo socday ay Xamaas ku qaadday magaalooyin iyo degaanno ku yaalla koonfurta Israa’iil.

Ciidamada Israa’iil ayaa duqeyntii ugu cusleyd ee abid ka geysta marinka Qasa ku qaaday, waxaana ay abaabuleen ciidamada dhulka si ay weerar dhulka ah u qaadaan.

Israa'iil ayaa Qasa ka baxday 2005-tii, laba sano kaddibna waxaa gacanta ku dhigay ururka Xamaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM